Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta
GudahaWararka

Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 21, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado oo aan la aqbali Karin qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraat-ka Carabta oo lagu sheegay in qalalaase ka socdo Soomaaliya, aysana ka jirin dawlad rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in tan iyo markii ciidanka dawladda FS ay kala eryeen maleeshiyadii caasimadda dhexdeeda kaga dhawaaqday in aan dowladi jirin dalkana ay iyagu masuul ka yihiin, ay dawladda soo gaareen qoraallo kaga yimid dawladaha iyo ururada calaaqaadka wanaagsani kala dhexeeyo, balse Imaaraatku soo saareen hadal ay ku durayso dawladnimada Soomaaliya, kuna abuurayso xasrad iyo fawdo, sida Yeman iyo Libya ay colaad lugaha ugu galisay.

Waxa uu xusay in Imaaraat-ku faragalin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo soo maraya qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada oo markii ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-da September ka dib safar ku tagay Imaaraat-ka, iyagoo diiday dhaqangalinta heshiiskii ay wax ka saxiixeen.

Tallaabooyinka ay ku kacday dawladda Imaaraat-ka Carabta ayuu sheegay  inay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, anshaxa diblomaasiyadeed iyo xiriirka walaalnimada labada wadan oo muddo dheer ku dhisnaa is-ixtiraam iyo iskaashi tixgalinaya nidaamka dawladnimo.

“Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan wuxu ku qornaan jirey quluubta shacabta Soomaaliyeed aad na way u jeclaayeen, dulqaad iyo ilaalinta walaaltinimada ayaa dowladda Soomaaliyeed ku khasbay in markasta ay wanaajiso xiriirka labada dal” ayuu yri Wasiir Dubbe.

Arrimaha doorashada ayuu sheegay in dawladdu ay ku taagantahay heshiiskii madaxda dawladda, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay Muqdisho ku gaareen, ayna diyaar u tahay in laga wada hadlo, wixii farsamo ahaan dhalilli ka jirto, taas oo madaxweynaha dawladda mudane Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo tanaasul badan ka muujiyey, shirna isugu yeeray mar kale madaxdii heshiiska saxiixday.

“Arrinaha Doorashooyinku waa arrin qusaysa Arimaha Gudaha ee Soomaaliya sida ay dalkasta u qusayso doorashadiisu, mana jiro dal ogolaanaya in qof waliba ka hadlo doorashada dalkiisa, doorashada Soomaaliya ma aha Timir xabaal taalla oo qof kasta gacanta gelin karo.” Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay ma wanaagsanayn calaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta, ka dib markii bishii April 2018-dii dawladda Soomaaliya garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay diyaarad waday lacag ka badan 9-milyan oo Dollar, taas oo Imaaraat-ku lahaa dawladuna sharci darro ku tilmaantay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka waxbarashada Hirshabeelle oo kormeeray deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sarre ee maamulka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda…

GudahaWararka
January 15, 2023

Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Budbud oo lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Galgaduud(SONNA):-Howlgalka qorsheysan oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen shalay galinkii dambe deegaanka Budbud ee…

Wararka
July 16, 2023

Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa si rasmi ah xariga uga jarey mashaariic horumarineed oo…

GudahaSawirroWararka
July 24, 2023

Xaflad diimeed oo sababtay dhimashada 44-ruux oo Israel ah

Ugu yaraan 44 qof ayaa lagu dilay isbuurasho ka dhacday xaflad diimeed oo lagu qabtay Buurta Meeroon ee dhacda waqooyiga…

Caalamka
April 30, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023