Xaflad diimeed oo sababtay dhimashada 44-ruux oo Israel ah

La wadaag cid kale

Ugu yaraan 44 qof ayaa lagu dilay isbuurasho ka dhacday xaflad diimeed oo lagu qabtay Buurta Meeroon ee dhacda waqooyiga bari ee Israa’iil.

Madaxa gurmadka degdegga ah ee qaranka Magen David ayaa sheegay in boqolaal kale lagu dhaawacay xaflad diimeedkaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto buurtaasi oo ah goob lagu soo bandhigo dhaqan diimeedka.

Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi musiibo culus wuxuuna u duceeyay dadkii wax ku noqday shilkaasi.

Tobanaan kun ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo qeyb galeen xafladdaasi, taasoo ka dhigeysa dhacdadii ugu xumeyd ee soo marta dalkaasi marka laga reebo dhimashada cudurka coronavirus .

Warar ayaa sheegay in dhimashada ay sababeen burbur ka dhashay dhismaha qeyb ka mid ah goobtaasi.

La wadaag cid kale