Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dadaalada socda iyo xaaladaha dabeysha El-Nino (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dadaalada socda iyo xaaladaha dabeysha El-Nino (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dadaalada socda iyo xaaladaha dabeysha El-Nino (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 14, 2023
7 Min Read
Share

Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaa saameynta iyo fataahadda Webiga heerka uu gaarsiisan yahay, sida uu ku waramayo wariye ku sugan deegaannadaasi ayaa soo warinaya in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, kadib markii ay biyuhu heerkoodaa dhaafeen, markaasi kadibna waxay saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray, biyihi ku fatahay ayaa wada baabiโ€™yay.

Sidoo kale Degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo Jannaale ee ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyana laga soo warinayaa in Webiga uu ku fatahay, balse maโ€™uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

Digniino hor leh ayaa laga soo saaray fatahaad Webeiga Shabeelle, iyada oo Hayโ€™adda maareynta misoobinka Qaranka ee SodMA ay digniin u dirtay dadka degan hareeraha Webiga iyo goobaha biyo mariinnada, xilli guud ahaan dalka ay ka daโ€™een Roobab wata biyo badan iyo lagu sii daro fataha ay Webiyada Juuba iyo Shabeelle ay sameynayaan.

Dhinaca kale Webiga Shabeelle ayaa Saacadihii la soo dhaafay fatahaad xooggan ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo saameyn ku yeeshay afarta Xaafadood ee degmadaasi, Webiga ayaa waxaa si weyn uga fatahay Xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u Webiga habeen hore saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.

Xaafadahaan ayaa dadkii daganaa intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, hase yeeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsanaa xaafadaha oo habeen hore xilligii hore biyaha guryaha ugu galeen, Shalayna duhurninadii ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, waxaana la soo warinayaa in aysan jirin ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in xilligaan muhiimadda ugu weyn ay tahay samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga ah, isaga oo sheegay in xilligaan adag loo baahan yahay in masโ€™uuliyadda sida ay tahay loo qaato. โ€œMasโ€™uuliyad ayaa na saaran, masโ€™uuliyadda na saaran sida ay tahay in aan u qaadanno waaye, tabartu waa halkeeda, tabartu haddii ay nagu gaabato laakiin inta aan qaban karno ayaa aad u badan, marka howshaas haloo wada istaago, muhiimadda Golaha Wasiirrada shalay ayaa ah samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga ah,โ€ sida uu yiri Madaxweynaha, mar uu la hadlaayay fadhi aan caadi aheyn oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada ay hayso heyโ€™adda maareynta musiibooyinka Qarank ee Sodma, isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yiri, โ€œSodma way ku mahadsan tahay wacyigalinta, ha sii kordhiso, dadka ha looga digo meelaha ay khatarta leh in ay ka dhaqaaqaanโ€, Madaxweynuhu waxa uu ka ย tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay daadadka ka dhashay Roobabkii ka daโ€™ay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Shirkaasi Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray saameynta ay reebeen Roobabkii ka daโ€™ay dalka iyo sida loogu gurman lahaay dadkii ay saameeyeen ama waxyeello ka soo gaartay waxyaabaha ay sababeen Fataha Webiyada iyo Daadaka ay keentay dabeysha El-lino.

Waxaana ugu dambeyntii la isku booriyay xubnaha golha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta Soomaaliyed ee ku dhibaateysan daadadka ka dhashay Roobka xillig Deyrta iyo fataha Webiyada oo is biirsaday.

Heyโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dirtay diyaarad sidday shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Doolow ee gobolka Gado, oo halkaasi ay ku heystaan dhibaatooyin ka dhashay Roobabka Xilliga Deynta oo dhaliyay daadad iyo Webiga Jubba oo isna ku fatahay deegaannada uu ka maro deegaankaasi.

Shixnaddaan ayaa gaareysaa illaa todobo tan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay Roobobka kaโ€™day guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado, oo la sheegay in ay dad ku geeriyoodeen.

Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Heyโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka magaalada ee ay saameeyeen fatahaada. Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii deganaa, ka dib markii ay ku soo rogamdeen daadad ka dhashay Roobabka ka daโ€™ay iyo fataha Webiga Jubba ee magaalada.

Dhanka kale Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niรฑo oo dhawaan uu magacaabay Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday heyโ€™addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga islaamka (OIC ), kulankaan oo deg-deg ahaa ayaaย  waxa uu ku saabsanaa Isku-dubbaridka kaalmada Baniโ€™aadamnimada ee ku aadan Dadka ay saameeysay dabeysha El-Niรฑo, waxaana laguย  soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka deganaa deeganada ay fatahaada ka dhacday.

Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degga ahย  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in heyโ€™addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda, ย iyada oo la saarayo ogaanshaha mudnaanta iyo baahiyahooda, waxayna Heyโ€™ aduhu ay bllan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qeybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degga ahย  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada saameysay.

Xamarna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Shirkaasi ayaa loogu hadlay xaaladihii ugu dambeeyay iyo saameynta dhibaatada ka dhalatay Roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka daโ€™ay Caasimadda Muqdisho, soo celinta Nadaafada & Bilicda iyo dar-dargelinta Amniga Magaalada Muqdisho.

 

 

ย 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waxgaradka Galmudug kala hadlay xoraynta deegaanada wali aysan ciidanku gaarin

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo masโ€™uuliyiinta…

GudahaWararka
August 21, 2023

Madaxweynaha JFS oo kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Kenya ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Maj…

GudahaWararka
November 19, 2023

Shabaabka oo shartooda dhexmariya Dumarka (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa soo badanayay Dumar badan oo ka soo dhex muuqday Maxkamadaha Dalka, kuwaasi oo loo heysto eedeeymo la xariira…

GudahaMaqaallada
September 20, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad…

GudahaWararka
January 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023