Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 5, 2024
8 Min Read
Share

“Heshiiskii Dekadda Itoobiya iyo Somaliland oo isku diray Deriska”, sidaasi waxaa cinwaan uga dhigay Warbixin lagu qoray African Defense Forum ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka. ‘waxaa bilowday hamiga Itoobiya ee ah in ay dib u soo ceshato marinka badda cas, waxa ayna isu rogtay khatar xoog ah oo ka dhan ah deriskeeda xeebaha leh dabayaaqadii 2023-kii, waxayna hadda sii hurinaysaa cabsida dagaal’.

‘Sannadkii hore, dadka dhaleeceeya gobolka Geeska Afrika ayaa ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku tilmaamay hadallo cabsi gelin ah’, sida lagu sheegay Warbixinta, wuxuuna ku tilmaamay xudduudaha dalkiisa “xabsi juqraafi” wuxuuna badda cas ku tilmaamay “xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya”, waxa uuna ku booriyay Ereteriya, Jabuuti iyo Soomaaliya inay ka wadahadlaan gelitaanka dekedaha, si “loo xaqiijiyo nabad waarta.” “Waxaan rabnaa inaan ku helno deked qaab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu Abiy u sheegay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada, sida uu sheegay wargeyska The Nation ee Kenya.

“Tani waa warka wanaagsan ee aanu u gudbinayno dhammaan shacabka Itoobiya, Somaliland iyo dhammaan dadka nabadda iyo horumarka jecel,” ayuu Abiy ku yiri shir-jaraa’id oo uu TV-ga kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Heshiiskan oo socon doona 50 sano ayaa Somaliland ku kiraynaysaa 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, si ay u hesho deked iyo in ay saldhig ciidan ka samaysato. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland siin doontaa saami aan la shaacin tirada ay ku yeelan doonto shirkaddeeda duulimaadka ee dawladdu maamusho.

Taa maxaa xigay? Caro iyo mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba, iyadoo dadku ay tallaabadaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. “Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya qofna ma saxiixi karo ama ma saxiixi doono,” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray 2-dii Janaayo baarlamaanka. “Ma jirto cid awood u leh inay bixiso qeyb ka mid ah Soomaaliya.”

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry oo dalkiisu uu khilaaf xooggan ka dhexeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo xireenka Webiga Niil, ayaa sheegay in heshiiska Somaliland uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay Itoobiya ku tallaabsato hal dhinac oo aan tixgelinaynin danaha dawladaha Afrikaanka ah. “Waxay cadeysay aragtida Masar ee la xiriira saameynta siyaasadahani ku leeyihiin xasiloonida gobolka iyo kor u qaadista xiisadda ka dhex jirta waddamadeeda,” ayuu u sheegay wargeyska The National. “Itoobiya waxay noqotay isha qalalaasaha ka jira deegaanadeeda.”

“Xubnaha Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta waxaa u ololeyn doonaan dhammaan dhinacyada,  Markaa, waxay u badan tahay inay kor u kacdo isku-soo-bax siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo dhinac walba ah”, sida ay qortay ADF.

“waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”, sidaasi waxaa yiri: Wasiir dowlaha Amniga ee XFS Mudane Maxasmed Cali Xagaa, isaga oo ka qeybgalayay kulan looga soo horjeeday damac gurracan dowaldda Itoobiya ee baddeenna Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaliya aysan marnaba aqbali karin qaadashada iyo ku xadgubka qaranimad iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed,naftana loo horayo difaaca dalka.

Wasiira xagaa ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan gaar ahaan shacabka ku nool gobolada Waqooyi ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca dalka,oo xadgudub qaawan ay ku soo sameeysay dowladda Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muusa Biixi inaan marnaba laga ogolaan doonin in uu bixiyo taako ka mid ah dhulka, leyskana cilin doono haddii Itoobiya isku daydo in ay u soo dhaqaado Badda Soomaaliyeed.

Tan iyo markii horrantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay ku wada saxiideen heshiis beenaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda intaa ka dhacaya dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya.

Haddaba Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlaayay Dacwada ay Soomaaliya u gudbisay kuna aadan xadgudubka Midnimada Dhuleed/Xeebeed ee ay Dowlada Ethiopia, kadib markii ay heshiis is-Afgarad la yeelatay Maamulka gooni goosadka Somaliland, kaasoo u oggolaanayaa inay maamulato Xeebta Degmada Lughaya iyo ilaa Xuduuda labada Dal, “waxaana lagu soo waramayaa in kulankaan ay si gaar ah diiradda loogu saaray xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeeysa  Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo cirka isku sii shareeraysa loona baahan  yahay in marka hore ay raali gelin ka bixiso, kana laabto Heshiiska, Danjire Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Ethiopia ay ka codsatay Urur Goboleedka IGAD inay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay diiday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”, sida uu SONNA u sheegay Falanqeeye Ciise Xasan oo wax ka qora arrimaha Ammaanka.

“Golaha Amaanka waxay 29-kii bishii January ee la soo dhaafay qabteen shir cinwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay kulankaasi, si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faahfaahin ah kama uusan bixin go’aankoodu ku aadan Dacwada Soomaaliya, ku darsoo Ururka Goboleedka IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah isna kama soo saarin codsiga Ethiopia”, ayuu sii raaciyay Ciise Xasan.

Dhinaca kale Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa Jimcihii (February 2) kaga qeybgalay shirkii 3-aad ee Madasha Wasiirada ee Indo-Pacific ee Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxa uuna ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in Itoobiya ay ixtiraamto shuruucda Caalamiga ah, islamarkaana ay ilaaliso madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ku booriyay Maamulka Addis Ababa inay door wax ku ool ah ka qaadato sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira gobolka, halkii ay hurin laheyd xiisadaha cusub oo ay ka aloosto Bariga Afrika.

Ku darsoo La-taliyihii Arimaha Dibada Aby Ahmed ayaa magan-galyo siyasadeed waydiistay Belgium. La taliyaha Magaciisu waa Gedu Andargachew.Qabiilkiisu, waxa uuna ka soo jeedaa Qowmiyadda  Amaarxa, waxaa kaloo la sheegayaa inuu horay u soo noqday Madaxweynaha Kililka Amxaarada, balse waxa uu hadda ahaa la- taliye Sare oo Arrimaha dibadda kala taliya Raiisul-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed. Waxaa la is weydiinayaa in Abiy goorma ayuu isna magangalyo dalaban doonaa?, maadaama uu ku hor kufay fagaarayaasha siyaasadeed ee Caalamka iyo tan Ummadda Itoobiya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo ka socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.Rayidka…

GudahaWararka
February 12, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shir-madaxeedka dalalka Ciidamada AUSSOM

Entebbe(SONNA)"-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika…

GudahaWararka
April 25, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale

London (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta cilmi baarista amniga RUSI ee magaalada London kaga…

GudahaWararka
November 22, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta oo daah-furay dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo…

GudahaWararka
June 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023