Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta
Maqaallada

Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta

By Abdulkadir
Last updated: March 16, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal ee ay ku hayaan Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deeganada,waxana khawaarijtu hada mareysaa xaalad quus iyo kala carar kadib markii ay u taag wayeen dagaalka ay kula jiraan geesiyaasha xaq u dirirka ah ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Ciidamada xoogga oo kaashanayo kuwa degaanka ayaa isku fidinayo degaanno dhowr ah oo ka tirsan galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe halkaa oo ay kawadaan howlgallo looga sifeeynayo kooxda khawaartjta oo mudda dheer dhibaata ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ayaa saakay howlgal kula wareegay degaanka Jariirow oo ah degaan istaraatiij ah oo mudda ay gacanta ku hayeen kooxda khawaarijta.

Khawaarijta ayaa dhibaata kala duwan ku heysay shacabka degaanka oo ay kamid tahay ah baad joogta ah blsa geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka aaya halkaa cadawga ka saaray iyadoo aan wax dagaal ah usan ka dhicin.

Intaa kadib mas’uuliyiin uu Hoggaaminayo Abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Bashiir Mukhtaar Axmed iyo sarakiil ka  ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe ayaa kormeer isugu jiray dhiirigalin iyo qimeeynta xaalada degaanka ugu tagay ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka,kuwaa oo halkaasi ku soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha degmad Gamboole ee Gobolka shabeellaha dhexe oo wafiga la socday ayaa sheegay in khawaarijta ay ka saareen degaanno badan oo katirsan gobolka waxa una digniin u diray dadka shacabka ah in aysan waxa tacaamul ah ama ajiibida amarada khawaarijta aysan qaadan.

Taliyaha ciidanka dib u xoreynta galbeedka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Macalin isaaq ayaa dhankiisa sheegay in ay sii wadi doonaan dagàalka ka dhanka ah khawaarijta tan iyo inta laga saarayo deganada ka tirsan galbeed shebeellaha dhexe oo meela fara ku tirisa ah khawaarijtu ku dhuumaleysaneyso.

“Ninmankaa arxanka daran ee khawaarijta waxa ay nolosha u diideen dadka shacabka ah,mana ogolo wax hormar ah warka waa in aan iska dulqaadnaa ayuu yiri Taliye Yuusuf Macalin

Taliyaha saldhiga Boliiska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidanka dib u xoreynta galbeedka shabeellaha Dhexe ay culeeys weyn ka dajiyeen Magaalda jowahar ayna mudanyihin ammaan waxa uu inta ku daray in ay kala qeyb qaadan doonaan howlgalada ka billaawdaday galbeedka shabeellaha Dhexe

“Waxaad naga saarteen culeys naga heystay agaan,habeen walba walwal ayan ku jirnay marakad deganadan xoreyseen waxa naga yaraday culeyskii iyo wal walkii na heystay wadna ku mahadsantihiin” ayuu yiri Taliyaha Boliiska Jowhar

Abaanduulaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Bashiir Mukhtaar Axmed ayaa ciidamda kula dar-daarmay in sii wadaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta dhawaana laga saari doono degaanada ay ku dhumaaleysanayaan khawarijta ee katirsan galbeedka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa khawaarijta ka saaray degaanno badan oo dacay Bariga gobolka shabeellaha dhexe iyadoo uu hadda billawday howlgalka dhinac galbeedka looga saarayo khawaarijta oo mudda dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.

MUQDISHO-(SONNA)-kooxda argagixisada ah ee khawaarijta ee dullaanka ku soo qaadday dalka haatanna dabar go,a ku dhow ayaa laga calaameeyay ficillo…

GudahaMaqaalladaWararka
January 18, 2023

Dr:Xasan Sh:Waxaan ku baaqayaa in qof kasta uu door ku yeesho xoreynta Dalka (WARBIXIN)

Howlgal Milateri oo dhawaan ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay xaruntii Khawaarijta ee Koonfuurta Gobolka Mudug,…

GudahaMaqaalladaWargayska
September 5, 2023

Sanadka 2023-ka waa sanad guul u ah Soomaaliya (WARBIXIN)

Sanad iyo todobo bilood kadib, maxaa Dowladda Soomaaliya u qabsoomay?, su’aashaasi jawaabteed looma fakirayo, muddo badanna kaa qaadan meyso helidda…

GudahaMaqaallada
December 16, 2023

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta caasimadda (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh,…

Maqaallada
May 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023