Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay
GudahaWararka

Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 27, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):-  Ciidanka Kumaandooska Danab ee CXD ayaa howlgal gaar ah oo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed (Mascuud). Horjoogahan ayaa u qaabilsanaa kooxda samaynta iyo aasidda miinooyinka lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaaladiisii ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay howlgalkaas.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale howlgal kale oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Baaritaanno amni ayaa si joogto ah uga socda deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida tuulooyinka ku teedsan.

Dhanka kale, Subaxnimadii hore ee maanta, maleeeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo wata ku qaaday ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda ayaa Kooxaha Khawaarijta ee weerarkaas gardarrada ah soo qaaday dagaal culus oo saacado qaatay la galay, ayadoo Intii uu socday dagaalkaas, jab xooggan la gaarsiiyey maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee kusoo duulay magaalada, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka oo haatan ku sugan duleedka Maxaas, ayaa wada abaabul ballaaran oo dib loogu xaqiijinayo nabadgelyada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku waxay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga horjeedaan Kooxaha Khawaarijta argagixisada, waxayna dhiigga u bixinayaan difaaca diinta, dadka iyo dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

DF oo tallaabo hormar leh u qaaday ku biirista Ururka EAC

Muqdisho.(SONNA):- Ergayga madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar…

GudahaWararka
January 14, 2023

Dowladda Soomaaliya oo ku guulaysatay in ay gacanta ku soo dhigto shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Muqdisho(SONNA):-Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL…

GudahaWararka
March 23, 2024

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ay khawaarijta ka fuliyeen Baladweyne

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran…

GudahaWararka
March 11, 2025

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray magaalada Jabuuti…

Wararka
September 2, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023