Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 6, 2023
7 Min Read
Share

Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha 3-aad ee Dilemmas of Humanity ee ka socday Johannesburg ayaa daba socda weerarrada arxan-darrada ah ee Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo iska caabintooda oo ay ka muuqato xiiso iyo walaac xooggan. Weeraradaasi waxay u qaateen qaab dagaal xun oo dabargoyn ah oo ay si bareer ah u taageersan yihiin wadamada Maraykanka, iyo xulafadiisa Yurub. Ka qaybgalayaasha shirkan caalamiga ah waxay caddaynayaan in:- Dhaxalkii kuwii halgankii iyo kuwii ka soo adkaaday midab-takoorka Koonfur Afrika, oo halkaasi shiray, “waxaanu dalbanaynaa in la joojiyo dawladnimada Israa’iil. Waxaan cambaareyneynaa go’doominta Gaza ee lix iyo toban sano jirsatay. Dawladda Israa’iil ee midab-takoorka ah ee la soo rogay iyo go’doominta ayaa ah dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada”.

 Waxaan ka soo horjeednaa bay yiraahdeen “dambi ka dhigista iyo bini’aadantinimada ka-xumaynta dadka reer Falastiin, waxaanan difaacaynaa xaqa ay u leeyihiin inay iska caabiyaan. Waxaan diidnay ololaha macluumaadka khaldan ee ay been abuurteen Israa’iil iyo xulafadeeda si ay u abuuraan cuqdad, faafiyaan naceybka iyo qiil gardarrada ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta. Halganka aayo-ka-tashiga, madaxbannaanida, iyo difaaca sharafta aadanaha waa inaan lagu calaamadin “argagixiso.” Intaa waxaa dheer, waxaan cambaareyneynaa oo aan si adag u diidnay dambi-baarista wadajirka Falastiin ee dawladaha qaranka ee taageeraya isir-sifeynta”.

Waxay kaloo bayaankooda ku xuseen, “Waxaan si adag u canaananaynaa ololaha dabar-goynta Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. Tobanaan sano oo Xukuumadda Sahyuuniyadda ah ayaa weerarro ku qaaday shacabka Falastiin, waxaana waajib ah in la fahmo oo la cambaareeyo xasuuqa hadda lagu hayo dadka rayidka ah ee aan hubaysneyn, oo ay ku jiraan carruur, waayeel iyo haween sida arxan-darrada ah ay ciidammada Israa’iil ugu laayeen Marinka Gaza.

Ilaa hadda, ciidamada Israel waxay dileen in ka badan 9, 000 qof, kuwaas oo 3.000 ka mid ah ay yihiin carruur. Dhismayaasha la bartilmaameedsaday iyo kuwa la duqeeyay ayaa ah xarumo adeeg, gaar ahaan isbitaallada, iskuullada, shabakadaha biyaha iyo korontada, kuwaasi oo ah kaabayaasha lagama maarmaanka u ah nolosha. Waxaan cambaareyneynaa weerarka naxariis darada ah iyo waxashnimada ah ee ciidamada Israel ay ku qaadeen isbitaalka Al Ahli ee Gaza, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal dhakhaatiir iyo bukaanno ah”.

“Waxaan kaloo cambaareyneynaa aamusnaanta ceebta ah iyo ka-wada-jirka qaawan ee dowladaha gobolka iyo hay’adaha, iyo sidoo kale gargaarka maaliyadeed iyo kan Milatari ee ay bixiso dowladda Mareykanka si ay u huriso gumaadka Falastiiniyiinta. Waxaan cambaareyneynaa mawqifyada dowladaha ee taageeraya gardarrada iyo in la caadiyeeyo cidda heysata, waxaanan u aragnaa habkaan dhaqdhaqaaq cunsuri iyo faashiste ah”.

Waxaa kaloo bayaankaasi lagu yiri:- “Waxaan aqoonsannahay xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta ee xoreynta ah, madaxbannaanida iyo soo noqoshada sida ay u aqoonsadeen Qaramada Midoobay iyo inta badan dawladaha adduunka.

Waxaan taageereynaa xaqa ay Falastiin u leedahay soo laabashada, waxaanan cambaareyneynaa barakicinta xooggan ee Falastiiniyiinta. In la dalbado in 1.1 milyan oo qof ay ka tagaan dalkooda iyagoo aan heysan meel ay tagaan waa dambi”.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan xoogagga horumarka leh iyo taageerayaasha xorriyadda adduunka inay isugu soo baxaan waddooyinka iyo fagaarayaasha, oo ay ka qayb qaataan dhammaan noocyada taageerada Falastiin.

“Ku biir baaqa maalin-goboleedka ficilka ee midnimada Falastiin Jimcaha, Oktoobar 20-keedii iyo maalinta caalamiga ah ee midnimada ee Noofambar 4-teeda, 2023-ka. Waxaan sidoo kale ugu yeernaa dhammaan noocyada qaadacaada wax soo saarka Israa’iil iyo soo bandhigida falalka argagixisada ee Israa’iil” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Waxaan aqoonsannahay in halganka lagu xoraynayo Falastiin, laguna soo afjarayo gumeysiga Israa’iil uu yahay halganka dhammaan dadka dulman ee xoreynta iyo sharafta. Waa inaan ku jirnaa midnimo oo aan difaacno halganka Falastiiniyiinta ee aaya-ka-talinta, xoraynta, madaxbannaanida, iyo xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin inay soo noqdaan.

 Waxaan dalbaneynaa:

 

  1. In si degdeg ah loo joojiyo gardarada iyo xabad joojinta Gaza.

 

  1. In la joojiyo go’doominta Gaza.

 

  1. In dhammaan dhulka Falastiin lagu soo celiyo.

 

  1. In la joojiyo gumeysiga Israel ee Falastiin.

Shirkaasi oo dhacay 14kii Oktoobar 2023-ka, ayna ka qeybgaleen Golaha Shacbiga Caalamiga ah 3-aad ee Dilemmas of Humanity Conference – kaasi ka dhacay Magaalada Johannesburg, ee Wadanka South Africa. Xisbiyada iyo Ururada Saxeexa bayaanka  waxay ahayeen in ka badan 100 Ergo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah, hadalkaasi waxa uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruurta iyo Haweenka reer Falastiin”.

“Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in Carruur, Haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa’iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka?.

Raiisulwasaaruhu waxa uu qaatayn go’aan geesinimo leh, islamarkaana ka turjumaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah, waxaana ereyadii uu jeediyay laga wada hadal hayaa dhammaan Caalamka, waxaan uu soo seddexeey Madax sidaasi oo kale u caddeeysay go’aanka ay ka qaateen arrinta reer Falastiin, kuwaasi oo kale ah Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Turkiye Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ragib Dayib Erdogan. Aan u duceyno Dadka Reer Falastiin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda oo kulan la qaadatay shirkadaha Isgaarsiinta

Muqdisho(SONNA);-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda oo maanta si wadajir ula kulmay Shirkadaha Isgaarsiinta & Adeegyada Lacagaha…

GudahaWararka
March 16, 2023

Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Baay iyo Gedo

Xudur (SONNA): Howlgal lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa ka soconaya deegaanada howdka ah ee dhaca gobolada Baay iyo Gedo, halkaasi…

GudahaWararka
October 2, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Qaranka

MUQDISHO-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kuwaasi oo Madaxweynaha u…

GudahaWararka
May 14, 2023

In ka badan 10 tirsan Khawaarijta oo lagu dilay deegaanka Qeycad ee Gobolka Mudug

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay fariisimo ay Khawaarijtu ku…

GudahaWararka
February 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023