Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 6, 2023
7 Min Read
Share

Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha 3-aad ee Dilemmas of Humanity ee ka socday Johannesburg ayaa daba socda weerarrada arxan-darrada ah ee Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo iska caabintooda oo ay ka muuqato xiiso iyo walaac xooggan. Weeraradaasi waxay u qaateen qaab dagaal xun oo dabargoyn ah oo ay si bareer ah u taageersan yihiin wadamada Maraykanka, iyo xulafadiisa Yurub. Ka qaybgalayaasha shirkan caalamiga ah waxay caddaynayaan in:- Dhaxalkii kuwii halgankii iyo kuwii ka soo adkaaday midab-takoorka Koonfur Afrika, oo halkaasi shiray, “waxaanu dalbanaynaa in la joojiyo dawladnimada Israa’iil. Waxaan cambaareyneynaa go’doominta Gaza ee lix iyo toban sano jirsatay. Dawladda Israa’iil ee midab-takoorka ah ee la soo rogay iyo go’doominta ayaa ah dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada”.

 Waxaan ka soo horjeednaa bay yiraahdeen “dambi ka dhigista iyo bini’aadantinimada ka-xumaynta dadka reer Falastiin, waxaanan difaacaynaa xaqa ay u leeyihiin inay iska caabiyaan. Waxaan diidnay ololaha macluumaadka khaldan ee ay been abuurteen Israa’iil iyo xulafadeeda si ay u abuuraan cuqdad, faafiyaan naceybka iyo qiil gardarrada ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta. Halganka aayo-ka-tashiga, madaxbannaanida, iyo difaaca sharafta aadanaha waa inaan lagu calaamadin “argagixiso.” Intaa waxaa dheer, waxaan cambaareyneynaa oo aan si adag u diidnay dambi-baarista wadajirka Falastiin ee dawladaha qaranka ee taageeraya isir-sifeynta”.

Waxay kaloo bayaankooda ku xuseen, “Waxaan si adag u canaananaynaa ololaha dabar-goynta Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. Tobanaan sano oo Xukuumadda Sahyuuniyadda ah ayaa weerarro ku qaaday shacabka Falastiin, waxaana waajib ah in la fahmo oo la cambaareeyo xasuuqa hadda lagu hayo dadka rayidka ah ee aan hubaysneyn, oo ay ku jiraan carruur, waayeel iyo haween sida arxan-darrada ah ay ciidammada Israa’iil ugu laayeen Marinka Gaza.

Ilaa hadda, ciidamada Israel waxay dileen in ka badan 9, 000 qof, kuwaas oo 3.000 ka mid ah ay yihiin carruur. Dhismayaasha la bartilmaameedsaday iyo kuwa la duqeeyay ayaa ah xarumo adeeg, gaar ahaan isbitaallada, iskuullada, shabakadaha biyaha iyo korontada, kuwaasi oo ah kaabayaasha lagama maarmaanka u ah nolosha. Waxaan cambaareyneynaa weerarka naxariis darada ah iyo waxashnimada ah ee ciidamada Israel ay ku qaadeen isbitaalka Al Ahli ee Gaza, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal dhakhaatiir iyo bukaanno ah”.

“Waxaan kaloo cambaareyneynaa aamusnaanta ceebta ah iyo ka-wada-jirka qaawan ee dowladaha gobolka iyo hay’adaha, iyo sidoo kale gargaarka maaliyadeed iyo kan Milatari ee ay bixiso dowladda Mareykanka si ay u huriso gumaadka Falastiiniyiinta. Waxaan cambaareyneynaa mawqifyada dowladaha ee taageeraya gardarrada iyo in la caadiyeeyo cidda heysata, waxaanan u aragnaa habkaan dhaqdhaqaaq cunsuri iyo faashiste ah”.

Waxaa kaloo bayaankaasi lagu yiri:- “Waxaan aqoonsannahay xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta ee xoreynta ah, madaxbannaanida iyo soo noqoshada sida ay u aqoonsadeen Qaramada Midoobay iyo inta badan dawladaha adduunka.

Waxaan taageereynaa xaqa ay Falastiin u leedahay soo laabashada, waxaanan cambaareyneynaa barakicinta xooggan ee Falastiiniyiinta. In la dalbado in 1.1 milyan oo qof ay ka tagaan dalkooda iyagoo aan heysan meel ay tagaan waa dambi”.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan xoogagga horumarka leh iyo taageerayaasha xorriyadda adduunka inay isugu soo baxaan waddooyinka iyo fagaarayaasha, oo ay ka qayb qaataan dhammaan noocyada taageerada Falastiin.

“Ku biir baaqa maalin-goboleedka ficilka ee midnimada Falastiin Jimcaha, Oktoobar 20-keedii iyo maalinta caalamiga ah ee midnimada ee Noofambar 4-teeda, 2023-ka. Waxaan sidoo kale ugu yeernaa dhammaan noocyada qaadacaada wax soo saarka Israa’iil iyo soo bandhigida falalka argagixisada ee Israa’iil” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Waxaan aqoonsannahay in halganka lagu xoraynayo Falastiin, laguna soo afjarayo gumeysiga Israa’iil uu yahay halganka dhammaan dadka dulman ee xoreynta iyo sharafta. Waa inaan ku jirnaa midnimo oo aan difaacno halganka Falastiiniyiinta ee aaya-ka-talinta, xoraynta, madaxbannaanida, iyo xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin inay soo noqdaan.

 Waxaan dalbaneynaa:

 

  1. In si degdeg ah loo joojiyo gardarada iyo xabad joojinta Gaza.

 

  1. In la joojiyo go’doominta Gaza.

 

  1. In dhammaan dhulka Falastiin lagu soo celiyo.

 

  1. In la joojiyo gumeysiga Israel ee Falastiin.

Shirkaasi oo dhacay 14kii Oktoobar 2023-ka, ayna ka qeybgaleen Golaha Shacbiga Caalamiga ah 3-aad ee Dilemmas of Humanity Conference – kaasi ka dhacay Magaalada Johannesburg, ee Wadanka South Africa. Xisbiyada iyo Ururada Saxeexa bayaanka  waxay ahayeen in ka badan 100 Ergo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah, hadalkaasi waxa uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruurta iyo Haweenka reer Falastiin”.

“Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in Carruur, Haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa’iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka?.

Raiisulwasaaruhu waxa uu qaatayn go’aan geesinimo leh, islamarkaana ka turjumaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah, waxaana ereyadii uu jeediyay laga wada hadal hayaa dhammaan Caalamka, waxaan uu soo seddexeey Madax sidaasi oo kale u caddeeysay go’aanka ay ka qaateen arrinta reer Falastiin, kuwaasi oo kale ah Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Turkiye Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ragib Dayib Erdogan. Aan u duceyno Dadka Reer Falastiin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo gaaray Baydhabo

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Feysal Adan oo ay…

GudahaWararka
March 14, 2023

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow.

Muqdisho(SONNA)-  Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium. Kooxaha…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale qaabbilay mas’uuliyiin hore

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay…

GudahaWararka
July 3, 2025

Wasiirka ganacsiga oo la kulmay danjiraha Turkiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay…

GudahaWararka
May 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023