Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
GudahaWararka

Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: January 21, 2024
2 Min Read
Share

Qaahira (SONNA): Baarlamaanka Carabta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyagoo si cad u taageeray amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedka uu soo saaray Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadan:

1aad: Wuxuu si buuxda u diiday isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in si buuxda loogu hoggaansamo qawaaniinta iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo inaan la faragelinin. arrimahooda gudaha si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

2aad: Waxa uu adkaynaya ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo in Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

3aad: Baarlamaanku waxa uu cambaareynayaa heshiis-beenaadkii ay wada saxeexdeen dawladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, maadaama uu heshiiskan xad-gudub ku yahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

4aad: Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in falalka noocaan ah ay halis ku yihiin amniga iyo xasiloonida gobolka, ayna saameyn taban ku yeelanayaan xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo isu socodka gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

5aad: Baarlamaanka Carabtu waxa uu si buuxda u taageerayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweynayaa go’aankii Golaha Ammaanka ee ku saabsanaa qaadista cunaqabateynta hubka ee saaranaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 1992-kii.

6-aad: Wuxuu soo dhaweynayaa go’aankii dowladda Soomaaliya looga cafiyay deymaha dibadda oo gaaraya 4.5 bilyan oo doolar, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay maamulka maaliyadda dalka.

7-aad: Wuxuu ugu baaqayaa dalalka Carabta, beesha caalamka, hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay u fidiyaan nooc kasta oo taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bani’aadanimo ah.

8-aad: Wuxuu Baarlamaanku ku nuuxnuuxsaday inuu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, isla markaana guud ahaan gayiga Soomaaliya u gaaro horumar iyo barwaaqo waarta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd si adag u cambaareeyay weerar ay dadka…

Caalamka
November 14, 2025

Taliyaha Booliiska G/Banaadir oo sheegay in ay baaritaano ku socdaan askar ku eedeysan dilka Darawal Bajaaj

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada…

GudahaWararka
January 21, 2023

Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay xadgudubka Ciidamada Itoobiya ee Doolow

Muqdisho (SONNA): Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka…

GudahaWararka
December 23, 2024

Roobka Deyrta oo ka curtay qeybo ka mid ah Gobolka Bakool

Xuddur-(SONNA)-Roob xooggan oo si weyn loogu diirsaday ayaa Xalay ka curtay Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool iyo degaannada ku…

Wararka
October 13, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023