Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed-Madoobe wuxuu muddo ahaa shakhisyaadka ugu cad-cad siyasaadda gobollada Jubbooyinka oo magaalada ugu weyn ee Kismaayo dekeddeeda dhaqaale badani ka soo baxo. Wuxuu ahaa xubin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa waxaanu madax ka ahaa isla magaaladaa Kismaayo ilaa intii ay ciidamada Itoobiya ridayeen maamulkii Maxkamadihii sannadii 2006-kii.
Sannadkii 2007-dii waxa xiray ciidamada Itoobiya oo ku hayey Hotel Giyon oo ku yaal magaalda Addis Ababa, waxaa lagu sii daayey wadahadallo uu ku aqbalay in xil looga magacaabo xukuumaddii Sheekh Shariif Axmed, laakiin markii dambe ayuu ka goostay oo uu diiday xilkii looga magacaabay.
Sannadkii 2008-dii, maleeshiyadii Raas Kaambooni oo uu hogaankeeda ka mid ahaa, oo ay isbahaysanayaan Al-Shabaab ayaa hadana magaalada Kismaayo dib u qabsaday.
Muddo ka dib waxa uu bilaabay in ay labadii Urur ee hubaysnaa ku loollamaan gacan ku haynta magaalada, ugu dambeyntiina waxaa si buuxda Kismaayo iyo koonfurta Soomaaliya badankeeda gacanta ugu dhigay Al-shabaab, sannadkii 2009-kii.
Mar kale ayaa hadana bishii Sebtember sannadkii 2012-kii ayaa Al-Shabaab ay magaalada Kismaayo ka saareen ciidamada Kenya, oo hadana Axmed-Madoobe noqday xubin muuqata oo ka tirsan maamulkii maxalliga ahaa ee magaalada loo sameeyey.
15 May 2013-kii wuxuu ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee maamulkii Jubbaland ee la dhisay oo khilaaf badani ka dhashay, hase yeeshee waxay warbaahintu waagaa tabinaysay warar is burinaya oo qaarkood ay tibaaxeen ba in uu isagu isku cumaamaday hoggaanka maamulkii la dhisay oo uu “xoog ku maroorsaday”, inkasta oo ay isla markiiba maamulkiisa taageereen dawladaha Kenya iyo Itoobiya, hadana xukuumaddii Federaalka aheyd ee Soomaaliya muddo dhowr bilood ah ayay ku qaadatay in ay aqbasho, waxana khilaafkii dhex yaallay markii dambe lagu dhameeyay dhexdhexaadin uu galay ururka IGAD.
Qiyaastii afar bilood ka dib, 13 Sebtember 2013-kii ayaa kolanyo uu watay waxa ku qarxay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey isaga oo maraya Kismaayo gudaheeda waanu ku dhaawacmay. Weerarkaana waxa sheegtay Al-Shabaab.
Xilalkii uu soo qabtay:
- 2006: Gudoomiyaha Jubbada Hoose – Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.
- 2009: Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam
- 2010: Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.
- May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.
- 2013 – August 2019 Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.
- 22 August 2019 waxa mar kale loo doortay madaxwenaha maamul goboleedka Jubbaland.
Doorshadan waxa hareeyay khilaaf badan, waxaanay qaar ka mid ah mucaaradku ku eedeeyeen in ay aheyd hannaan isaga u xaglinayey, waxaana xusid mudan in โGolihii Iskaashiga maamul Goboleedyada waxaa ka haray keligiiโ.
โWaxaa naga goโan in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.โ Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay arrinta Axmed Madoobe ayaa intaasi raaciyay โAxmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo kamid ah maamulkaas ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.โ.
‘Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada waxaa ka haray keligii’
Madaxweynaha ayaa sheegay in Hoggaamiyihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo mar walba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhammeyn. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Masjidka Madaxtooyada salaaddii Jimcaha kaddib ayaa ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo goโaanka dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh โAxmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo ka mid ah maamulkaasi ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.โ, wuxuuna ku adkeystay in dowladdu aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, wuxuuna MadaxweyneDr: Xasan Sheekh ku booriyay Shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Mar uu taariikhdiisa ka hadlaayay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, uuna diyaar u yahay in uu isaga tago,
Dad siyaasiyiin ah ayaa ku doodaya in in ay khalad tahay in ciidan la geeyo dhamaan dhulka Soomaaliyeed, balse Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka in goobo dalka ka mid ah la yiraahdo ma imaan kartiin inaysan taasi sax aheyn, isagoo caddeyay in ay joogaan inta badan Deegaannada dalka, inta dhimanna la geyn doono.
Madaxweynaha oo ka sheekeynayay taariikhda ay isla soo mareen ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo mar walba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhammeyn, wuxuu sidoo kale xusay in Axmed Madoobe uu diiday wada-hadallo la xiriira qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo muddo xileedkiisii hore dhamaaday, โ inta uu haayay talada Jubbaland ma uusan xureyn degmo ka mid ah maamulkaasi, islamarkaana waxa uu ka hor yimid dadaallada dowladda ee dib u xorreynta dalka, isagoo amray inay ciidammo weerar ku qaada kuwa Qaranka ee ku sugan Raas Kaambooniโ.
Mar walba Ciidan uu u soo diro Deegaanka Raaskaambooni waxay si tarab tarab ah ugu tagayeen, iyagoo goostay inay ku biiraan ciidanka Xoogga Dalka, si ay xuquuqdooda ka maqneyd muddo 13 sano ah u helaan, si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidamadii la amray inay weeraraan kuwa Qaranka ay diideen amarka Axmed Madoobe, isla markaana ku biireen howlgalka ka socda Jubbaland, wuxuuna ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isagoo ku booriyay Shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo Qof iyo Cod ah, taasi oo muhiim u ah mustaqbalka iyo geeddi socodkaย Dalka.
Ugaaska Guud ee Beesha uu ka dhashay Axmed Madoobe ayaa yiri ”Axmed Madoobe Sharci daro ayaad ku jogta Jubaland lagana aqbali maayo, wuxuuna intaasi raaciyay ‘ in Axmed Madoobe uusan aheyn Jubbaland, Jubbalandna aysan ย aheyn Axmed Madoobe’.
By. C/laahi Ruush