Muqdisho, June 02, 2026: – Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa Arbacada maanta si rasmi ah u dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Xarunta Degmada Xamar Jajab, oo qayb ka ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu casriyeynayo xarumaha dowladeed laguna xoojinayo tayada adeegyada bulshada la gaarsiiyo.
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in horumarinta xarumaha dowladeed ay laf-dhabar u tahay dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, kor loogu qaadayo waxqabadka hay’adaha maamulka, lana xaqiijinayo adeegyo waxtar leh oo shacabka ku helaan si hufan oo joogto ah.
Mashruuca Dib-u-dhiska xarunta Maamulka Degmada Xamar Jajab ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku horumarinayo kaabayaasha maamulka iyo adeegyada aasaasiga ah ee degmooyinka gobolka, iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha xarumo casri ah oo ka turjumaya koboca iyo horumarka Caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka Degmada Xamar Jajab iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay hirgelinta mashruucan muhiimka ah ee wax ka tari doona horumarinta adeegyada maamulka iyo dardargelinta hawlaha adeegyada loogu dhoweynayo shacabka degmada.
