Muqdisho, June 02, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Buq-aqable ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ku dilay horjoogihii qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan iyo 28 dhagarqabe oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda.
War saxaafadeed ay soo saaray Hey’adda Nabadsugidda ayaa lagu sheegay in Xogta Sirdoon ee ay heshay Hay’adda NISA ayaa muujisay in goob seddex kiilomitir koonfur kaga beegan deegaanka Masaajid Cali Gaduud lagu uruuriyay maleeshiyaad tiradoodu gaareysay ku dhawaad 70 xubnood, kuwaas oo loo qeybiyay hub kala duwan isla markaana waday abaabullo lagu qal-qalgelinayay amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Markii la xaqiijiyay xogtaas, Ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay 23 dhagarqabe. Howlgalka labaad oo ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo afjaray shan dhagarqabe iyo horjooge Cabdiraxmaan, oo magaciisa af-garashadu ahaa Cabdi Mudallib, kaas oo ahaa horjoogihii qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in Horjoogahan uu si gaar ah ugu lug lahaa abaabulka iyo maleegidda falal argagixiso oo ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi. Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.