Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 2, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga sare Sanduuqa Qaranka ee maareynta khataraha Masiibooyinka, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah iyo taageeridda barnaamijyada ka hortagga iyo u diyaar-garowga aafooyinka.

Sida lagu sheegay Wareegtada, magacaabistan waxay waafaqsantahay qodobka 9-aad ee xeer nidaamiyaha Sanduuqa Qaranka ee maareybta khataraha Masiibooyinka, kaas oo lagu soo saaray xeer  Ra’iisul Wasaare oo tirsigiisu yahay (197/2026), kuna taariikhaysan 8-da Febraayo 2026.

Guddiga waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, halka Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jamaal Maxamed Xasan, iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani.

Sidoo kale guddiga waxaa ku jira Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiye ku xigeenka Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo gargaarka Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi Baari.

Xubnaha kale waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan, Guddoomiyaha hay’adda “Hormuud Salaam Foundation” Cabdullaahi Nuur Cismaan, iyo laba haween ah oo matalaya ururrada bulshada rayidka ah kuwaas oo kala ah Maryan Taqal Xuseen iyo Duniyo Maxamed Cali.

Waxaa sidoo kale Cabdullaahi Maxamuud Diiriye loo magacaabay xoghayaha guddiga isaga oo ah agaasimaha Sanduuqa Qaranka ee maareynta Khataraha Masiibooyinka.

Guddigan sare ayaa noqon doona hay’adda kormeeraysa maamulka sanduuqa Qaranka, iyadoo ay waajibaadkooda ka mid yihiin hagidda hawlaha sanduuqa iyo la socodka barnaamijyada iyo mashaariicda loogu talagalay yareynta khataraha musiibooyinka iyo kor u qaadidda awoodda bulshada ee la qabsiga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Khawaarijtu ka geysteen xeebta liido

Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimo ee kooxda khawaarijtu ka geysatay Xeebta Liido ee…

CaalamkaWararka
August 4, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyey Shir duceed la qaatay Madaxda Wasiirada Caafimadka Urur Goboleedka Afrika

Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Wasarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyey Shir duceed…

GudahaWararka
December 4, 2023

War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday gogosha wadatashiga qaran bishii Maarso 2025, waxa ay dowladu waday wadatashiyo joogto…

GudahaWararka
February 24, 2026

 Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Muqdisho.(SONNA)...Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda 1-da May,…

Wararka
May 2, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023