Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….
GudahaWararka

War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: February 24, 2026
4 Min Read
Share

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday gogosha wadatashiga qaran bishii Maarso 2025, waxa ay dowladu waday wadatashiyo joogto ah oo ay la laheyd dhamaan madaxdii hore ee dalka, bulshada rayidka ah, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta kala duwan, si ay u dhageysato talooyinkooda ku aadan dhismaha dowladnimo casri ah, iyo dimuqradiyeynta dalka taas oo ka jawaabeysa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu xalliyo wada-xaajood, wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan dastuurka, sharciga iyo danaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda waxa ay si buuxda u aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka laga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka, dhismaha hay’adaha dowladeed iyo xasilloonida nidaamka federaalka ah.

Iyadoo laga jawaabayo baaqii ka soo baxay shirkii qaar ka mid ah Mucaraadka ee la baxay Golaha Mustaqbalka ee ku qabsoomay Kismaayo 18-20 December 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay fidisay gogol wada-xaajood dhab ah, kana turjumaya niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran. Gogoshaas oo si rasmi ah uga furantay Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) 18 Febraayo 2026, iyadoo ujeeddadu ahayd in laga gaaro is-afgarad ajendyaal hore loogu soo heshiiyey.

Ka hor inta aan la guda gelin wada-xaajoodyada, waxaa kulamo doceedyo loogu soo heshiiyey in diiradda la saaro saddex qodob oo kala ah:

1. In la sameeyo guddi ka soo talo bixiya arrimaha doorashada federaalka.

2. In la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada.

3. In bisha Abriil 2026 la qabto kulanka labaad ee gogosha si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada federaalka ah.

Dowladda waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshiiyey, iyaga oo ku soo daray qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal-dastuuri ah iyo tixraac sharci. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustaqbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka.

Dowladdu, iyada oo ilaalinaysa ruuxda wada-xaajoodka iyo hannaanka sharciyeed ee lagu heshiiyey, waxay muujisay dulqaad, dabacsanaan iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo ajendihii hore loogu heshiiyey, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah. Waxaase nasiib darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii, nuxurkii iyo ruuxdii wada-xaajoodyada labada maalmood socday, iyo kulamo-doceedyadii gogol-xaarka u ahaa ee ka horeeyay, taas oo dhaawacaysa geeddi-socodka wada-hadallada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markale ku celinaysaa in albaabada wada-xaajoodku u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal dhab ah, iyada oo la ilaalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa in ay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka.

Dowladda waxay sii wadi doontaa dadaallada ay ugu jirto dhismaha mustaqbal qaran oo mideysan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana ku dhisan dowladnimo waarta iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Dhammaad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha, “Hagardaamada aragagixisadu ma hakin doonto dadaalka Loogu jiro nabad kusoo dabaalidda dalkeenna”

Muqdisho; Arbaco, September 09, 2020—-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada aragagixisadu aysan hakin doonin dadaalka…

Wararka
September 10, 2020

Wasaaradda Awqaafta oo wacyi gelin ka wadda furimaha dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa Culimaa’udiin wacyigelisa u dirtay Ciidamada ku sugan qeybo kamid ah Hirshabeele. Sheekh Ibraahim…

GudahaWararka
September 18, 2024

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo shahaado sharaf guddoonsiiyey orodyahanka Soomaaliyeed Cali Iidow

Addis Ababa (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta safaaradda…

GudahaWararka
August 16, 2023

𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 JFS 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐁𝐢𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Muqdisho(SONNA):-Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku guuleystay in uu ku biiro 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐚𝐥𝐨𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐲𝐝𝐤𝐚 ee…

GudahaWararka
October 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023