Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo digniin adag u diray hay'adaha ku howlan soo saarista waxyaabaha ka hor imaanaya Diinta Islaamka

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Hay’adaha iyo Ururrada ka shaqeeya arrimaha Dhaqanka ugu baaqay in ay si rasmi ah isaga diiwaangeliyaan Wasaaradda, si loo xoojiyo wada-shaqaynta, isku-duwidda hawlaha dhaqanka iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adahaasi.
Wasiirka ayaa sidoo kale digniin adag u diray hay’adaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan soo saarista, faafinta ama dhiirrigelinta waxyaabaha ka hor imaanaya Diinta Islaamka, dhaqanka suubban iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in cid kasta oo ku kacda falalka noocaas ah laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.
La wadaag



