Muqdisho (SONNA): Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo muhiim ah, kaas oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris.
Iskaashigan ayaa diiradda saari doona horumarinta Guddiga, dhismaha nidaamyada maamulka, kobcinta awoodaha shaqo, is-weydaarsiga khibradaha, horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso guddi lagu kalsoonaan karo, wax-ku-ool ah, isla markaana madax-bannaan.
Heshiiska waxaa kala saxeexday Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryan Qasim iyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka RWI Peter Lundberg, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sar sare oo labada dhinac ka socday, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
