Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul.
“Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka.
“Waxaan Alle uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan, dalkeenna iyo dadkeenana ku manneysto nabad iyo kheyr,” ayuu yiri farriintiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.