Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiirka gaadiidka iyo dhismaha Turkiga
    May 21, 2026
    Safiirka Soomaaliya oo warqadaha Aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Mauritania 
    May 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya
    May 21, 2026
    Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka cudurka Dabaysha
    May 21, 2026
    Wasiir Cali Xaaji oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha nidaam caafimaad oo casri ah
    May 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiirka gaadiidka iyo dhismaha Turkiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiirka gaadiidka iyo dhismaha Turkiga
GudahaWararka

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiirka gaadiidka iyo dhismaha Turkiga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 21, 2026
3 Min Read
Share

Ankara (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu.

Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada wasaaradood. Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa ugu horeyn si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.

Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Yusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda laga faa’iideeyo tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.

Kulanka kadib, Wasiir Ayub Yusuf Ismaaciil ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, waxaana si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Turkiga oo warbixin ka siiyay howlaha ay hay’addu qabato iyo mashaariicda waaweyn ee ay gacanta ku heyso.

Wasiirka Ayub Ismail Yusuf ayaa kormeer ku sameeyay waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka PPP, kaas oo ay shirkado gaar loo leeyahay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, halka khidmadaha isticmaalka waddooyinka lagu qaado nidaam casri ah oo electronic ah. sidoo kale Wasiirka ayaa booqday xarunta dayactirka gaadiidka ee wasaaradda, halkaas oo lagu siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo maamulo iyo dayactirka gaadiidka dowladda.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga ah ee mustaqbalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiirka gaadiidka iyo dhismaha Turkiga

Ankara (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub…

May 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Mudisho.SONNA…Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal…

GudahaMaqaallada
April 12, 2026

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Argagaxisada Al-shabab kaas…

GudahaWararka
October 11, 2023

RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Belem,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano…

GudahaWararka
November 8, 2025

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay…

GudahaWararka
May 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023