Madrid (SONNA): Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Iskaashiga La-dagaallanka Argagixisada ee Afrika.”
Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga fikiradaha xagjirka ah ee ku faafa qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlay doorka tiknoolajiyadda casriga ah iyo Garaad Gacmeed (AI).
Ergeyga ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka martigelinta iyo abuurista madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga dhinaca la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata.
Mudane Aweys Maxamed Cumar ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka, Isagoo sheegay in Soomaaliya aysan arrintan u arkin dood aragtiyeed oo keliya, balse ay tahay xaalad dhab ah oo dalka si toos ah u wajahayo, maadaama kooxaha xagjirka ahi ay muddo dheer adeegsanayeen farsamooyin casri ah oo ay ku faafinayaan dacaayadooda, ku marin habaabinayaan dhalinyarada, islamarkaana uga faa’iideysanayaan baraha bulshada iyo aaladaha dijitaalka ah.
