Baku (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa kulan-doceed muhiim ah oo ka tirsan Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, kana socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), Mudane Jaasim Maxamed Al-Budaywi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada horumarinta magaalooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska iyo horumarka waara, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya u horseedi kara horumar muuqda iyo dib-u-dhis ballaaran.
Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka GCC-da, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo tayeynta kaabayaasha muhiimka u ah koboca dalka.
Kulankan oo muhiimad gaar ah u lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
