Baydhabo (SONNA): Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay oo saraakiisha Ciidanka Xoogga ay ku yeesheen magaalada Baydhaba.
Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Isaaq, Taliyaha Guutada 17-aad ee GorGor Korneyl Xuseen Moolif iyo saraakiil ka socotay hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeyb galay kulankaas oo diiradda lagu saaray dagaalka Khawaarijta iyo adkeynta amniga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee Koonfur Galbeed oo doorasho qof iyo cod ah ay ka socoto.
