Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain
    April 25, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan
    April 25, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde
    April 25, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah
    April 25, 2026
    Soomaaliya oo hirgelisay siyaasadda ilaalinta bedqabka Rayidka
    April 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 25, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay Dhiggiisa Saldanadda  Cumaan Mudane Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi.

Kulanka oo ka shacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Cumaan oo ku taalo magaalada Muscat ayey labada wasiir wadahadalladooda diiradda ku saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga, si loo adkeeyo iskaashiga soo jireenka ah iyo danaha wadaagga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu horumarinayo amniga, xasilloonida, iyo horumar waara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Sayid Badr Al Busaidi, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada adag ee dalkiisa uu u hayo midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Cumaan ee ah in aan la aqoonsan karin wax kasta oo ka baxsan nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Cumaan doorka diblomaasiyadeed ee wax ku oolka ah iyo dadaallada ay ku bixiso dhiirrigelinta wada hadalada, dib u heshiisiinta, iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Xasan Maxamed, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Carabta, iyo Sheekh Faysal bin Cumar Al Marhoon, Madaxa Waaxda Carabta ee Cumaan, iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka kala socotay labada dhinac.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro…

April 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirkii Isku-duwidda Caafimaadka Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta soo xirey shirkii…

GudahaWararka
October 3, 2025

Safiirka JFS ee Masar oo booqasho sharafeed ugu tagey Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

Muqdisho (SONNA)-Safiirka J.F.S ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa maanta…

GudahaWararka
December 30, 2021

Soomaaliya oo ka mid noqotay hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA)

Muqdisho-(SONNA)-Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), sida lagu go'aamiyay shirkii guud…

GudahaWararka
September 17, 2024

Ciidanka Booliiska oo soo bandhigay rag ku eedeysan burcadnimo

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa howlgal ay sameyeen kadib  gacanta kusoo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha…

Wararka
April 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023