Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux
    May 27, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo
    May 27, 2026
    Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Machadka Raoul Wallenberg oo heshiis kala saxiixday
    May 26, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay hambalyada Ciidda
    May 26, 2026
    Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose
    May 26, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo hirgelisay siyaasadda ilaalinta bedqabka Rayidka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo hirgelisay siyaasadda ilaalinta bedqabka Rayidka
GudahaWararka

Soomaaliya oo hirgelisay siyaasadda ilaalinta bedqabka Rayidka

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 25, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Xarunta Ilaalinta Rayidka ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika ee hay’adda, Mudane Vianney Bisimwa. Kulanka intii uu socday, Wasiirka iyo Mudane Bisimwa ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ku aaddan ilaalinta bed-qabka rayidka, yareynta waxyeellada rayidka xilliyada hawl-gallada ciidan, iyo horumarinta hab-raacyo waafaqsan xeerarka dalka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Heshiiskan ayaa taageeraya hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka xilliyada Hawl-gallada Ciidan iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah. Waxa kale oo uu heshiisku xoojinayaa tababarka, wacyigelinta iyo awood-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, si loo xaqiijiyo in hawl-gallada loo fuliyo si waafaqsan sharciga, xirfad sare, taxaddar, isla-xisaabtan iyo ilaalinta karaamada rayidka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay mudnaan gaar ah siineyso ilaalinta bed-qabka rayidka, isagoo xusay in siyaasaddan ay ka tarjumeyso sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dhammaan hawl-gallada amniga lagu hago ilaalinta nolosha, karaamada, xuquuqda iyo bed-qabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ka go’an xoojinta ilaalinta bed-qabka rayidka, kor u qaadista kormeerka iyo isla-xisaabtanka hawl-gallada ciidan, iyo la-shaqeynta hay’adaha qaranka, bulshada rayidka iyo saaxiibbada caalamka, si dib-u-habeynta hay’adaha amniga Soomaaliya loogu saleeyo hannaan waafaqsan sharciga, isla markaana ku dhisan mas’uuliyad iyo kalsooni dadweyne.

Munaasabadda saxiixa waxaa dhanka Wasaaradda goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda; halka dhanka Xarunta CIVIC ay ka socdeen Agaasimaha CIVIC ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Ibrahim, Danjire Maman Sambo Sidikou, S/Gaas Bashir Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Baydhabo, Soomaaliya - 27 May, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane…

May 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo dagaallo ka jira deegaanada K/Galbeed

Madaxda Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyo ka socda deegaanno hoostaga maamulka Koofur Galbeed.…

Gudaha
April 19, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka…

GudahaWararka
October 7, 2021

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka…

Gudaha
March 14, 2026

Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

Ciidamada Israa'iil ay weeraro iyo duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow cisbitaalka Khan Younis's Nasser ,halkaasi oo ay ka carareen…

Caalamka
January 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023