Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ka qeyb galay munaasabadda caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka dhaqanka ee dowladnimada iyo bulshada.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in munaasabaddan ay tahay mid ka duwan kuwii hore, islamarkaana muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay in isu imaatinka madaxda, culimada, iyo duubabka dhaqanka ay caddeyn u tahay sida dhaqanku u yahay tiir mideeya bulshada, kana qeyb qaata xasilinta iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladnimada casriga ah aysan ka maarmin kaalinta hoggaanka dhaqanka, maadaama ay door weyn ku leeyihiin xalinta khilaafaadka, nabadaynta, iyo ilaalinta wadajirka bulshada.
Ugu dambeyn, wuxuu hambalyo u diray Ugaas Cabdirisaaq, isaga oo Alle uga baryay inuu ku guuleeyo xilka loo doortay, islamarkaana uu noqdo hoggaan mideeya bulshada, kana shaqeeya nabad iyo horumar waara.