Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo Gurmad Biyo-dhaamin ah u Sameeyay Dad ay Abaartu Saameysay oo ku Nool Gobolka Bakool.
    March 20, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DEEGAANKA GANDARSHE KULA CIIDAY CIIDAMADA XOOGGA DALKA.
    March 20, 2026
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo salaadda Ciidul Fitriga la tukaday shacabka Degmada Daarusalaam
    March 20, 2026
    Guddoomiyaha BFS oo soo saaray war-saxaafadeed looga hadlaayo xiisadaha ka taagan deegaanada K/Galbeed
    March 20, 2026
    Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiil kale oo la afuray odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gandarshe
    March 20, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay
GudahaWararka

Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 1, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee heer federaal iyo Dowlad gobolleedyada oo si rasmi ah maanta loogu Soo gebagebeeyay Dhuusamareeb.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee u dhexeeya Heerarka Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.

Shirweynahan oo socday labadii maalmood ee 31 Janaayo iyo 1 Febraayo 2026, kana qabsoomay Dhuusamareeb, ayaa waxaa lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo abaaraha, loona horumariyo adeegyada tamarta iyo biyaha ee bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

* Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS)

* Mashruuca Jowhar, oo ka mid ah mashaariicda horumarinta biyaha

* Mashruuca Barwaaqo +, oo ah mashruuc ballaaran oo laga fuliyay qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuna saleysan deris-wanaag iyo iskaashi bulsho, isla markaana xoogga saaraya dhismaha biyo-xireenada.

* Barnaamijka Abaartire, oo ay si gaar ah u fulisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, (XFS) kaas oo ujeeddadiisu tahay in xal waara laga gaadho saameynta abaaraha, lana xaqiijiyo in Soomaaliya yeelato ilo biyo oo la isku halayn karo mustaqbalka.

Wasiirradda Wasaaradaha Tamarta ee Dowlad-Goboleedyada ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Wasaaradda Federaalka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta tamarta dalka iyo sidii looga hortagi lahaa abaaraha, Dhinaca kale waxay xuseen in mashaariicda si isku mid ah loogaga faa’iideeyo deegaannada dalka oo dhan.

* Dowlad-Goboleedka -Galmudug
* Dowlad-Goboleedka -Koonfur Galbeed
* Dowlad-Goboleedka -Hirshabeelle
* Dowlad-Goboleedka -Waqooyi-Bari
* Dowlad-Goboleedka -Jubbaland

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in Wasaaradda ayka go’an tahay ka shaqeynta sidii Soomaaliya u yeelan lahayd koronto iyo biyo la isku halayn karo, isago xusay in mashaariicda iyo ceelasha biyaha laga fulinayo dalka oo dhan si siman, aysanna ku xirnayn siyaasad gaar ah.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe qaran oo mideysan, loogana jawaabo caqabadaha abaaraha, loona xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah iyo tamar la awoodi karo, si loo gaaro horumar waara.
[19:09, 01/02/2026] Ali Sheikhal: Wasiirk Bidhan “Markii aan imid Wasaaradda, waxaan mudnaan gaar ah siiyay mashruuc kasta iyo shaqo kasta oo lagu hormarinayo Wasaaradda, anigoo ujeedkeygu yahay in shacabka Soomaaliyeed helaan koronto qiimo jaban iyo biyo nadiif ah, Taasi ayaana saldhig u noqotay guul kasta oo aan ka gaarnay shaqooyinkeenna.”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo Gurmad Biyo-dhaamin ah u Sameeyay Dad ay Abaartu Saameysay oo ku Nool Gobolka Bakool.

Muqdsho-SONNA-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa gurmad…

March 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay…

GudahaWararka
February 15, 2026

Hay’adda SODMA iyo hay’adaha bah wadaagta la ah oo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA iyo kuwa bah-wadaagta la ah ayaa manta kulan uu heerkiisu sarreeyo ku yeeshay magaalada…

GudahaWararka
April 27, 2023

Guddiga dib u Eegista iyo la socodka Dastuurka oo la wareegay heshiisyadii ay gaareen Golaha wada tashiga

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha guddiga Senator Siciid…

GudahaWararka
June 11, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Muqdisho (SONNA) - Guddoomiyaha Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta Qaran ee howlgallada…

GudahaWararka
December 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023