Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya
GudahaWararka

Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 29, 2024
2 Min Read
Share

Abu Dhabi (SONNA): Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group, kaas oo ay sida wadajir ah isaga gaashanayaan maalgashiga Kalluumeysiga iyo in la horumariyo dekedaha, iyo guud ahaan qeybta Kalluumeysiga ee dalka.

Heshiiskani waxa uu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca Kalluumeysiga ah, horumarinta dekedaha kalluumeysiga, warshadaha, in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, in la xoojiyo kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga, in la hirgaliyo dekedo Kalluumeysi oo wadaag ah, iyo in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada Kalluumeysiga.

Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareeyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, ayaa yiri: “waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybta kalluumeysiga ee dalka. Kooxda Dekedaha Abu Dhabi waxay la shaqeyn doontaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda qaybta badda iyo kalluumeysiga ee dalka”.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dowladda Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadam, ayaa yiri ” Iyada oo aan kaashaneyno Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, waxaan diyaarinaa waddo u horseedeysa koror waara oo muddada dheer ah iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, iyo sidoo kale taageerida qaybta kalluumeysiga ee dalka, Iskaashigan ma ahan oo kaliya inuu xoojinayo awooddayada, laakiin sidoo kale wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha ee ku tiirsan waxsoosaarka Kalluunka.”

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxa uu ujeedkedu yahay in ay ka faa’iidaysato Khibradda ballaaran ee maareynta dekedaha, adeegyada saadka ee Imaaraadka iyo guud ahaan caalamka ee Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi.

Shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday saxiixa heshiisyada ijaarka dekedaha, adeegyada badda iyo qaybaha saadka ee dalalka Masar, Jamhuuriyadda Kongo, Angola iyo Tanzania.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay…

GudahaWararka
January 12, 2025

Guddiga Joogtada ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dawladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Muqdisho (SONNA)-Kulankaan ay guddiga Joogtada ee Golaha aqalka sare baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaateen Guddiga Dhab u heshiisiinta iyo wada…

Wararka
November 14, 2019

Deegaanno ka tirsan gobolka Mudug oo xalay ka curtay roobka gu’ga

Muqdisho(SONNA):-Inta badan gobolka Mudug xalay waxaa ka hooray roobkii Gu'ga kasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada Gobolka mudug Roobka…

GudahaWararka
April 20, 2021

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Soomaliland oo la kulmay Safiirka midowga Yurub

Muqdisho(SONNA):-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan muhiim ah la…

GudahaWararka
April 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023