Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gobolka Banaadir iska diiwaan galiyeen codbixiyaal gaaraya 923,220 oo qof, kuwaas oo diyaar u ah in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamineysa.
Guddiga ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen 56-xarumood oo ku baahan 16-ka ee gobolka, taas oo fududeysay in shacabka si fudud isku diiwaangeliyaan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in bisha soo socota dalka laga qaban doono doorasho, isagoo codsaday in Ururada Siyaasadda loo ogolaado in ay sameystaan Olole doorasho.
Xukuumadda DanQaran ayaa horay u balan qaaday in dalkan uusan hoggaamineyn mas’uul shacabka soo dooran.