Muqdisho,(SONNA):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta guddoomiyay kulanka horudhaca ah oo ku saabsan sidii lagu aas-aasi lahaa Ururka qiimeynta Soomaaliya (SOMES)- Somalia Evaluation Society)
Kulanka oo ay ka soo qayb galeen rugta ganacsiga, Bulshada rayidka ah, jaamacadaha iyo xafiiska isku-xirka Hay’adaha Caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ururkan cusub u leeyahay sare u qaadista hufnaanta qorshaynta qaranka, qiimaynta barnaamijyada dowladdu fuliso, iyo hubinta in siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee mustaqbalka lagu saleeyo xog iyo qiimayn lagu kalsoonaan karo.
Wasiir ku-xigeenka ayaa muujiyay sida Wasaaraddu uga go’an tahay taageerida iyo taabbogelinta SOMES oo uu ku tilmaamay madal muhiim u ah dowladnimada, isla xisaabtanka, iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, isaga oo sidoo kale mahadcelin gaar ah u jeediyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda dadaallada ay ka wadaan dhismaha nidaam qiimayn xirfad leh oo waara, kaas oo noqon kara tiir muhiim u ah horumarka dalka.