Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh: Waxaan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh: Waxaan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Waxaan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 14, 2023
3 Min Read
Share

Riyadh-(SONNA)-Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in laga guuleystay kooxaha argagisada ee caqabadda ku noqday dadka Soomaaliyeed in ay helaan xuquuqdoodii asaasiga ahayd.

Madaxweyne Xasan oo wareysi dheer siiyay Jaridada Arab news ee laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in laga guuleysanayo argagixisada, fursado badan oo maalgashi ahna uu waddanku leeyahay.

“Waxa aan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo lagu soo jiray halganka lagu xasilinayo Soomaaliya oo ay noqoto meel nabad ah ammaankeeduna fiican yahay, taas oo horseedi karta in awood loo helo maal gashiyo kala duwan.

“Guul ayaan hadda ka gaarnay dagaalka argagixisada, waxa aan ku jirnaa marxaladahii uga dambeeyey ee xasilinta, nabad gelyada iyo ammaanka Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan tahay nadiif fursado badanna ay ka jiraan, isagoo tusaale u soo qaatay ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluugga ah, dalagyada iyo cunnada, macdanta qeybaheeda kala geddisan.

“Soomaaliya waa nadiif, waa warqadaa cad, meel kasta fursad baa ku jirta, dhaqaalaha bulugga ah waa fursad, dalagga iyo cunnada waa fursad, macdanta, dahabka, Yuraniyamka iyo kheyraad kale ee aan qaniga ku nahay waa fursado, nooc walba oo kheyraad ahna waa laga helayaa Soomaaliya”.

Madaweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay dhul beereed fara badan kana mid ah waddamada ugu soo wax soo saarka badan dhanka dalagga haddii laga faa’iideysto, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay tahay safka hore ugu jirto waddama ugu xoolaha badan dunida sidaa daraaddeedna ay ku fiican tahay maal gashiga.

“Soomaaliya waxa ay leedahay ku dhowaad 9 milyan oo hectar oo dhul beereed ah iyo laba webi oo aan gurin sanadka oo idil iyo tiro wanaagsan oo xilli roobaadyo ah, waxa ay kamid tahay dalalka uga xoolaha badan Adduunka, sidaa darteed, Soomaaliya marka ay joogta dhanka maalgashiga waxa ay mareysaa cirka”.

“Soomaaliya waa kheyraad dihan oon la taaban, sidaas awgeed, kuwa kusoo hormara ayaa faa’ido badan helaya, waxa aan ku casuumaynaa Addduunka, si gaara walaalaheenna Sucuudiga in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee yimaadda Soomaaliya isla markaana maalgashta”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Hawlaha Guud XFS oo taageertay ansixinta baarlamaanka ee dastuurka dalka

𝗠𝗨𝗤𝗗𝗜𝗦𝗛𝗢 .SONNA…Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhoweynaysaa ansixinta ay Baarlamaanka…

Gudaha
March 5, 2026

Dowladda Kuwait oo Baydhabo ka billowday dhismaha guryo la dajinayo dadka soo barakacay

Baydhabo-(SONNA)-Hay'adda Al-najaat Al-kheyriya ee dalka Kuwait ayaa magaalada Baydhabo ka billowday in ay guryo u dhisto dadka barakacayaasha ah ee…

GudahaWararka
February 7, 2024

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Qahira,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel…

GudahaWararka
January 12, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray magaalada Addis Ababa

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa caawa booqasho rasmi ah ku…

GudahaSiyaasaddaWararka
December 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023