Nabadoon Badal “Waxaan soo jeedinayaa in Madaxda ay xal ka gaaraan khilaafaadka Arrimaha Doorashooyinka” Dhageyso

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Nabadoon Badal  Jaamac  Xirsi  oo ka mid ah   Odayaasha   dhaqanka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa  ugu baaqay   Madaxda  dawladda    Soomaaliya  iyo  Dawlad Goboleedyada inay tanaasul  u muujiyaan  Shacabka Soomaaliyeed  si dalka  loo  gaarsiiyo  Doorasho xor iyo xalaal ah.

Nabadoon  Badal  ayaa  soo  dhaweeyay  Shirka  Madaxda  Soomaaliya  uga socda magaalada  Muqdisho iyo dadaallada  ay hormuud ka tahay  Dawladda  Soomaaliya   ee ku aadan  geeddi socdka arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka heshiiskii 17 September  ay gaareen dawladda  Federaalka  ah iyo dawladaha  xubnaha  ka ah, isagoo  intaa ku daray  in Madaxdu     heshiis  ka  gaaraan Arrimaha  Doorashooyinka  oo aysan Dalka  u horseedin  dib u dhac dambe .

Hadalka  Nabadoonka  ayaa ku soo adaya, iyadoo  magaalada Muqdisho  uu ka socda  Shirka Wadatashiga ee  Dhamaystirka  arrimaha  doorashooyinka,  lana filaayo  in  la sii ambaqaado wada xaajoodyada  u dhaxeeya  Dawladda  Soomaaliya iyo  dawlad   goboleedyada  iyo  gobolka   Banaadir..

La wadaag cid kale