Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Al-caddaala oo ka hadlay muhiimadda dalxiiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Al-caddaala oo ka hadlay muhiimadda dalxiiska
GudahaWararka

Wasiir Al-caddaala oo ka hadlay muhiimadda dalxiiska

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 25, 2025
1 Min Read
Share

USA-(SONNA)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo si sharaf leh loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Samakaab Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay horumarinta dalka.

Wasiir Al-Caddaala ayaa Xildhibaan Samakaab guddoonsiiyey Shahaado sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dalkii hooyo.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dalxiiseed oo u baahan in la soo bandhigo, isagoo xusay in qurba-joogtu ay door muuqda ku yeelan karaan dhiirrigelinta dhaqaalaha dalxiiska.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhisidda, isla markaana mudan in laga faaโ€™iideysto casharrada laga baran karo nidaamka sharci-dejinta Minnesota.

Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa Wasiirka ku soo wareejiyey xafiisyada Aqalka Sharci-dejinta Minnesota, isagoo uga warramay taariikhda dhismaha Golaha, habraacyada sharci-dejinta iyo sida dimuqraadiyaddu ugu adeegto bulshada gobolka.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qurba-joogta, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Kormeeray Hoggaanka baarista Dembiyadda ee CID “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta kormeeray Hogaanka Baarista Dambiyada ee CID qeybihiisa Kala…

GudahaWararka
October 28, 2021

Golaha shacabka oo ansixiyey laba hindise sharciyeed

Muqdisho(SONNA):-Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay'adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed waxaana Haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday…

GudahaWararka
February 10, 2024

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane…

GudahaWararka
May 25, 2025

Maamulka Gobalka Shabeelada Hoose oo deeq gargaar ah gaarsiyay qoysas dan yar

Marka -(SONNA)-ย  Maamulka G/ Shabeelada Hoose ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiiyay ku dhawaad 1500 oo qoys oo ay sameeyeen…

Wararka
January 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023