Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka istiraatijiyadda Qaran ee Hay’adda SoDMA oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho
    August 23, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo
    August 23, 2025
    Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo go’aan cusub soo saaray
    August 23, 2025
    Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya
    August 23, 2025
    Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari
    August 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
GudahaMaqaalladaWararka

MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 23, 2025
5 Min Read
Share

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in laga digtoonaado, gaar ahaan lacagaha ay Baadda kaga aruuradaan Dadka kaalmada u baahan, iyadoo ay inta badan ay ku badan yihiin Dhulka Miyiga ah iyo kuwa Beeraleyda ah oo ay si khasab ah Lacago uga qaata.

Dhawaan waxaa Kulanka isugu yimid 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 k𝐚 h𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠 d𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 l𝐚 d𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa looga dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxda argagixisada khawaarijta ah ee inta badan dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ka mid ahaa xubnaha Guddiga ee kala ah:- Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu dambeyntii laga soo saaray War-murtiyeedk hoos ku xisun.

War-saxaafadeedka kulankaasi kadib la soo saary ayaa waxaa lagu yiri:- “Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada. Qorshaha cuuryaaminta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ah”.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1-da Janaayo ilaa 30ka June 2025-ka, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose: –

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟓𝟕𝟓 𝐭𝐞𝐥𝐞𝐟𝐨𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐮 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐜𝐚𝐛𝐬𝐢-𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐡𝐚𝐧𝐣𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡.

•𝟐𝟏 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐛𝐚𝐧𝐠𝐢 (𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐀𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬) 𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲

•𝐈𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟖𝟖 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 (𝐌𝐞𝐫𝐜𝐡𝐚𝐧𝐭𝐬) 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲.

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐥𝐞𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐭𝐢𝐥𝐦𝐚𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐣𝐨𝐨𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚, 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬i 𝐨𝐨 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, i𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐨𝐨 𝐰𝐢𝐢𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐛𝐚𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐫𝐨 𝐤𝐚𝐧𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚d𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐲𝐨.

“Dowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta iyo sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kasta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOOLAR OO KU SAABSAN LA SOCODKA DHAQDHAQAAQYADA MAALIYADEED EE KOOXDA ISIS-ta SOOMAALIYA AYAY DOWLADDA MARAYKANKA WAAXDEEDA CADAALADDA DULSAARTAY.

ISIS-ta Soomaaliya waa mid ka mid ah faracyada ugu muhiimsan ee ku xiran ISIS, kana howlgala Afrika, waxayna u adeegtaa sidii ilaha ugu waaweeyn ee dakhliga soo galiya iyo xarun maalgelineed oo ay leedahay shabakadaha caalamiga ah ee ISIS iyo laamaheeda.

War ay soo saartay Waaxdaasi ayaa lagu sheegay in ISIS-ta Soomaaliya ay lacagaha ku abuurto kuna bixisaa iyada oo u maraysa hab-dhaqameedyo badan oo ay ka mid yihiin:

* Canshuur qaadis iyo handadaad ay ku hayaan dadka deegaanka, Ganacsiyada, iyo Beeraleeyda
* Lacag dhaqid
* Faldambiyeedyo qorshaysan
* Afduub madax furasho lagu dalbanayo
* Ka ganacsiga hubka
* Howlgalladda badda ee sharci darrada ah sida burcad badednimada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah
* Qoridda, soo galotiga, iyo fududeeynta safarada
* Deeqaha iyo ololaha uruursiga lacaga internetka
* Kalawareejinta lacagaha caddaanka ah, lacagaha moobilka, iyo kuwa kiribtokaaransiga ah (cryptocurrency).

Haddaba ugu dambeyntii waxaa warbixinta lagu yiri:- “Ma heysaa xog ku saabsan ISIS-ta Soomaaliya? Soo gudbi wixii warbixin ah. Waxaad u qalmi kartaa abaalmarin ama dib-u-dajin”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka istiraatijiyadda Qaran ee Hay’adda SoDMA oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii heerka qaran oo loogaga tashanayay sidii…

August 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha CXD oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

Muqdisho (SONNA):- Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta…

GudahaWararka
April 25, 2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “MIDNIMO SOOMAALIYEED WAXA AY KU XIRANTAHAY WADAJIRKA CULUMAA’UDIINKA SOOMAALIYEED”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa'udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee…

GudahaWargayska
August 2, 2024

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka oo warbixin ka dhageystay mareeyaha hey’adda NIRA

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Maareeyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga…

GudahaWararka
February 18, 2024

Wasiirada cusub ee Galmudug oo xilalka kala la wareegay wasiiradii hore

Qaar kamid ah Wasiirada Cusub ee Galmudug ayaa maanta bilaabay la wareegida Xilalka loo Magacaabay, iyadoo na ay ku wareejinayaa…

Wararka
May 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023