Baarlamaanka Carabta oo si adag u cambaareeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa si adag loogu cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka Carabtu  ku garab taaganyahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah iyo dadaal kasata oo looga hortegaayo falalaka kooxaha xagjirka ah ee caadeystay dilka dadka rayidka ah.

Barlamaanka Carabta ayaa uga tacsiyeyey dowladda iyo shacakba Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta, wuxuna sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay

La wadaag cid kale