Nairobi(SONNA):-Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR Moot kaas oo lagu qabtay jaamacada weyn ee United States International University–Africa (USIU–Afrika ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.
Tartan kan ayaa waxaa ka qayb galaya arday ka socota Jaamacadaha ugu waaweyn ee ku yaala qaaradda Afrika iyada oo sanadkan diiradda lagu saarayo sida ugu sahlan ee loo xalin karo khilaafaadka ka dhasha ganacsiga furan ee ka jira wadamda Afrika iyo Khilaafaadka ka dhasha xuduudaha dalalka Afrika.
Danjire Jabril oo khudbad dheer ka jeediyaya furitaanka tartanka ayaa ka hadlay muhiimda ay u leedahay ganaciga xorta ah ee Afrika iyo sida ay lama huraan u tahay in dalalka Afrika ay xal ugu heelaan caqabadaha hortaagan ganacigooda.
Waxaa sidoo kale xaflada furititaanka ka qayb-galay Professor P.L.O. Lumumb iyo Lady Justice Joyce Aluoch iyo madax kale.