Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dab qasaare maaliyadeed oo ka socda Suuq-bacaad
    August 4, 2025
    Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay danjiraha UK
    August 4, 2025
    Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo
    August 4, 2025
    Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Venezuela
    August 4, 2025
    Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka Mexico
    August 4, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo
GudahaWararka

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 4, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hayโ€™addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedada habraacyadan ayaa ah in la dardargeliyo hannaanka adeeg-bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaal, Agaasime Waaxeedyada, iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hayโ€™adda. Kulankan wuxuu muujiyey midnimo iyo ka-goโ€™naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada la xiriira adeegga.

Habraacyada la saxiixay ayaa daboolaya dhammaan adeegyada ay Hayโ€™addu bixiso, waxaana ka mid ah:

โ€ข Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed

โ€ข Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo hubiyo dadka dalka soo galaya ama ka baxaya

โ€ข Maamulka shaqada iyo shaqaalaha

โ€ข Maaraynta maamulka guud ee Hayโ€™adda

Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga la sugayo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u anfici doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo degdeg ah oo hufan.

1. Dalbashada baasaboorka cusub โ€“ Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.

2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay โ€“ Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hayโ€™addu hiigsanayso. Waxa uu tilmaamay in ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dab qasaare maaliyadeed oo ka socda Suuq-bacaad

Muqdisho (SONNA): Dab qasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa ka socda Suuq-bacaad oo ah…

August 4, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubno katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay "Indhacade" ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka…

GudahaWararka
December 23, 2023

Taliye kuxigeenka Boliiska oo ka qeyb galayย Shirka Booliiska dalalka urur-goboleedka EAPCCO

Muqdisho(SONNA):-Wafdiga uu hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), una wehliyo Taliyaha Hoggaanka Interpol, Sareeye…

GudahaWararka
May 6, 2025

Duqa muqdisho oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June

๐‘ด๐’–๐’’๐’…๐’Š๐’”๐’‰๐’(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay waddada 26-ka June ee isku…

GudahaWararka
July 9, 2025

Guddiga wadajirka ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo maalintii 3-aad shir ku leh Nairobi

Nairobi-(SONNA)-Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint…

GudahaWararka
May 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023