Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 26, 2024
7 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya muddadii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Argagixisadda ah, iyadoo in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo isugu jira Degmooyin, magaalooyin iyo Deegaanno looga xoreeyey khawaarijta, waxaa kaloo ka mid ah waxqabdka dowladda waxay tayeysay ciidamada qalabka sida, islamarkaana kobcisay dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, taasoo ay Soomaaliya ka qeybgashay shirarka ka dhaca fagaarayaasha caalamka, waxayna dowladdu ku Soomaaliya guuleysatay in loo doorto Kursiga xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay ku fariisan doonto sanadka 2025-ka.

Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:

  1. Dagaalka khawaarijta oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen.
  2. Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.
  3. Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika
  4. Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.
  5. Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi, wuxuuna maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran, taasi oo ay Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir, kuwaasi oo kala ahaa:-

  1. Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga
  2. Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka
  3. Tiirka Soomaali Heshiis ah
  4. Tiirka isku filnaasho dhaqaale
  5. Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda
  6. Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda

Marka waxaan dhihi karnaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Ra’iisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee Masuul ku magacaabo.

Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waaweyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, iyadoo taasi jirto ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay, kaas oo dhawaan lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Dhammaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigeen muddada labada sano aheyd waxii u qabsoomay, kuwaasi oo bulshada kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed faah-faahin dheer ka siiyay waxqabadkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr: xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay sanadaha soo socda waxa u qorsheysay “Labada sano ee soo socota way ka duwabnaan doonta lbdii sano ee la soo dhafay Ilaahey idinkiis, labada sno maahee sanadka soo socda waa ka duwan yahay waa hubaa maalinteeda marka la gaaro mashaeiic waweyn la sheego oo la soo bandhiggo Dad badan yaa dhihi doono ‘been waaye waxan maa la gaari karaa, waa beenta Soomaalida iyo faan waaye, laakiin dadka been looma sheego,mana loo ballan qaado, wixii aan ballan qaadno waa inay fulaan, mashaariic  aad u waaweyn oo Dadka Soomaaliyeedna noloshooda wax ka bedeli doona, Soomaalidana maanta meesha ay joogto wax ka bedeli doonto ayaa soo socda Ilaah Idinkiis, maalin aan dheerey ayaa la soo bandhigi doonaa, waana la sheegi doonaa” .

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aad hadalkaasi u soo dhaweeyay, waxayna xuseen in sida sheegay Madaxweyne Xasan inuu yahay Masuul laga filan karo waxa uu sheegay, waayo ayay yiraahdeen ‘markii uu xlka qabanayay waxa uu ballan qaaday 5 qodob, kuwasi oo inta badan ay ku fuleen muddo laba sano ah, inta dhimmanna uu dhameystiri doono, waana ku rajo weynahay inay mashaariicdaasi iman doonaan, iyagoo intaasi raaciyay oo yiri:- “intee baynu sugeynay waqbadka ilaa heerkaasi oo kale ah, marka ku soco mudane Madaxweyne Qabyo tirkaaga, Dalkaan waxa uu u baahan yahay Hoggaamiye sidaada oo kale ah ”.

Waa wax loo baahnaay in dadka la baro in dalka Soomaaliya ay ka jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuulna ka tahay ilaalinta Madax Banaanida, sharafta, Cirdiga iyo wixii la halmaala. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaalinta 1-aad kaga jira kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka 24-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo madaxdii soo maray dalka. Ma ahan ra’yi ee xogta hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha ayaa ka marqaati kacaya.

Heerka shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacay 0.7% intii u dhaxeysay 2012-kii iyo 2017-kii, taasoo keentay shaqo abuur gaaraya 105,000. Shaqo la’aanta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay 2021kii, laakiin waxay hoos u dhacday 0.6% sannadkii 2023-kii, taasoo keentay in 90,000 oo muwaadin ay shaqo helaan (World Bank), waxaana intaa dheer, in dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) uu kor u kacay, maanta waa 4.2%, halka uu ahaa 2.4% sannadkii 2022-kii.

Dhaqaaluhu inuu kobco, shaqo la helo, dalku horumaro, Soomaaliya Barwaaqo ah la gaaro waxaa ku hor gudban cadowga 1-aad ee qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay oo ah Khawaarijta ku naaxay daadinta dhiiga dadka masaakiinta ah iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

MUHIIMADA 1-AAD EE DOWLADA:- Muhiimada 1-aad ee Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab. Waxaana yoolkaas laga gaaray guulo waaweyn oo 800 km looga xoreeyay argagixisada. Todobaatan sano jir asaga oo ah ayuu tuute ciidan u xirtay, 70% waqtigiisana waxa uu ku bixyaa sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ka madaxbanaan argagixiso.

By. C/lahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa codsaday in Wasaaradda caafimaadka DFS,dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaalida ee ku…

Gudaha
August 16, 2024

Maamulka gobolka Banaadir oo heegan geliyey adeegyada deg degga ah

Muqdisho(SONNA):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas…

GudahaWararka
December 24, 2025

Maxkamadda gobolka Banaadir oo iibineysa Kalluun si sharci darro ah looga jillaabtay xeebaheenna

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibineysa kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xeebaha dalkeena oo ciidanka ammaanka ay ku soo…

GudahaWararka
April 19, 2023

Wasiir Daa’uud Aweys: Inta ay nool yihiin taliyeyaal Suulnuug oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto”

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa-uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalayay kulan loogu duceynayay shahiid Taliye Suulnuug ayaa…

GudahaWararka
January 13, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023