Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berri ah martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah oo dunida magac ku leh. Soo dhoweynta taariikhiga ah ee halyeeyada kubadda cagta Afrika ee kala ah, Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, Jay-Jay Okocha iyo Madax ka socota FIFA iyo CAF ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada.
Guddoomiye ku xigeennada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Mudane Axmed Faarax Taqal iyo Mudane Cabdirashiid Cabdulle Maxamed ayaa maanta booqday garoonka Muqdisho Stadium oo berri lagu qabanayo ciyaar weyn oo lagu soo dhoweynayo ciyaaryahannada iyo madaxda kale.