Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xulka Qaranka Soomaaliya oo aad loo amaanay guulahii ay kasoo hooyeen Koobkii Cecafa Cup ee Kampala +Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Xulka Qaranka Soomaaliya oo aad loo amaanay guulahii ay kasoo hooyeen Koobkii Cecafa Cup ee Kampala +Sawirro
CiyaarahaWararka

Xulka Qaranka Soomaaliya oo aad loo amaanay guulahii ay kasoo hooyeen Koobkii Cecafa Cup ee Kampala +Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 17, 2019
4 Min Read
Share

Xulka Qarankeena Soomaaliya oo ka qayb galayay Koobka bariga iyo bartama Afrika oo Sanadkan ka dhacayay Dalka Uganda caasimadiisa Kampala ayaa lagu amaanay ciyaar wanaagii ay muujiyeen intii uu Koobkan socday.

Xulka Qaranka ayaa laba jeer barbar dhac galay halka marna badiyay marna laga badiyay ayaa muujiyay dadaal dheeri ah oo amaan usoo hoyday shacabka Soomaaliyeed meel walba uu kala joogo.

Dadka aadka ugu dhuun daloola arrimaha ciyaaraha ayaa sheegay in Sanadkan Soomaaliya ay la timid wax aan horay looga baran maadaama ay ka badisay koox marna aan lays lahayn way ka badan doontaa oo ah dalka Bururndi.

Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Ciyaaraha ee Uganda ka dhisan ayaa sheegay in Labadii jeer ay barbar dhaca gashay Soomaaliya ay sabab u ahayd cimilada oo saamayn ku yeeshay.

“Markii Soomaaliya iyo Walaalaha Jabuuti Ciyaarayeen waxaa Garoonka ka da’ayay Roob saa’id ah oo qasbay in ciyaarta sidii loogu tala galay u dhacdo, sidaa oo ay tahay ay Soomaaliya dhanka ciyaar wanaagga iyo baaska ka sarreysay Kooxdii la dheelaysay ee Jabuuti” ayuu yiri Cumar.

Liibaan Shiine, oo ka mid ah Dhallinyarada aadka ula socday ciyaartaha Koobka bariga iyo Bartama Afrika ayaa sheegay in la dhihi karo Soomaaliya Sanadkan waxa ay soo hooysay guul lagu faani karo maadaama ay Koox adag oo Gurigeeda lagu dheelayo ay iska baacisay iyagoo guul dirqi ah halkaas ka qaatay.

“Uganda xulkeeda waa xul aad u adag oo miisaaniyad leh, ahna kooxaha ugu adag ee Koobkan Cecafa Cup dheelaya waliba jooga dhulkooda hooyo ayee 0-2 guusha ku raacday kooxda Uganda, iyadoo xiliyadii hore Soomaaliya marka ugu yaraato looga badin jiray 0-4 iyo wax ka badan” ayuu yiri’ Liibaan Shiine oo SONNA u waramayay.

Soomaaliya oo Laba mar bar bar dhac gashay halka marna badisay marna laga badiyay ayaa ku hartay oo kaliya dhibco ee aan ku harin guul-darro sida uu qabo Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka ciyaatoyda ee Uganda ka dhisan,

” Waxaa jira lacago lagu xiray wadamada in ay bixiyaan si koobkan uga qayb galaan, waxaana dhacday in wadamo ay ka mid yihiin Etoobiya, Eretria, Ruwanda, iyo Koofurta Sudan ay ka maqnaayeen koobka, hadiisa wadamadaa ciyaari lahaayeen waxaa hubaal ahaan lahaa in Soomaaliya soo bixi lahayd” ayuu yiri Cumar.

Cumar iyo Liibaan Shiine ayaa Sonna u sheegay in hadii Xulkeena Soomaaliya heli lahaa daryeelka ay heestaan wadama kale xulkooda laga yaabi lahaa guulaha ay soo hooynayaan waayo bey yiraahdeen xulkeena Qaranka waxa ay ka kala yimaadeen dalal kala duwan oo in ay kulmaan waxaa ugu horaysay markii ciyaarta ka dhineed oo kaliya maalmo si ay tabaabar kooban iskula qaataan.

Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay xooga saarto daryeelka iyo maal-gelinta xulka Qarankeenna Soomaaliya oo Waddama ugu yar ee qarash ku bixiya ay Sanadkii siiyaan xulkooda Shan milyan oo Dollar, halka Soomaaliya marka ay ciyaar jirto oo keliya la tabo.

Ugu dambeyntii guulaha xulkeenna qaranka Soomaaliya ayaa aad looga dareemay Caalamka dacalladiisa, iyadoo laga rajo qabo in xulkeenna Sanadaha soo socda uu noqdo xulka ugu fiican Dalalka Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maraykanka iyo Kanada oo xadka kala xirtay Maanta

OTTAWA-(SONNA)-Waxaa gelinkii dambe ee Xalay dhaqan galay heshiis kama dambays ahaa oo ay wada gaareen Dowladaha Maraykanka iyo Kanada, kaas…

Wararka
March 20, 2020

Xiriirka Ingiriiska iyo Falastiin oo gaaray meel hoose

Ergada Falastiiniyiinta ee ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xiriirka dalkaasi iyo Falastiin uu  gaaray meel hoose ka dib…

Caalamka
April 16, 2021

Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS oo sheegay in weli aan la gaarin xiligii la bilaabi lahaa howlgallada Batroolka

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshaha ku aadan bilaabidda howlgallada Batroolka Soomaaliya,iyadoo dowladuu ay xustay in qaab daah-furnaan…

Wararka
January 21, 2020

 Ra’iisul wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Garowe  

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa  gaaray magaalada Garoowe, si uu uga qayb galo aaska Allaha u…

Wararka
July 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023