Muqdisho (SONNA): Ururka 164-aad, guutada 7-aad ee qeybta 12-ka Abriil ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa si wadajir ah u fuliyay hawlgal lagu baacsanayay Khawaarijta, laguna xaqiijinayey amniga degmooyinka iyo deegaannada hoostaga gobolka Shabeellada hoose.
Deegaannada ay Ciidamadu sida gaarka ah ay howlgalka uga fuliyeen ayaa kala ah Sharey, Tabeellaha, Warmaxan, Tisxiile iyo Warta-Baarlamaanka oo dhamaantood ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay inay sii laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta si shacabka looga dulqaado dhagartooda.