Dowladaan kama duwana Dowladaha Adduunka oo waa lagu dhaliili karaa wax yaabaha ay ka gaabisay Daruuf iyo Farsamo xumo teey doon taba ha sababtee; balse waa in la qira in ay hool wanaagsan ka qabatay Dalka walina aragti ka leedahay hogaaminta dalka waana sababta ay qorshayaal keeda bulshada ugu soo bandhigayso.
Xoreynta Dalka wax weyn ayay ka qabatay, taaso suuragalisay isku socodka Dhul masaafo ahaan aad u kala fog. Amniga Caasimada way xaqiijisay waana Sababta eey hadda xukuumada u leedahay waa in loo gudba in Amniga Xamar loo sugo sida Caasidamaha Adduunka.
โMucaaradka waa inay aragti soo bandhigaan dalka ay ku hogaaminayaan, laakiin hub sharci daraa caasimada lagama saari karo, hadana haddii Amniga wax ka qaldamaan, Dowlada ku eedeeyna isma qabatoโ, sidaasi waxaa yiri Nasri Warsame oo ah siyaasi. Doorashada wixii ka qaldan waa in aragti Dastuuriya oo toosina lagu saxaa, laakin Dood saxa maaha lama haweysan karo Doorasho Qof iyo Coda oo anaga diidnay. Xukuumaada maxa “Mandate” loo siiyay haddey Dalka iyo Dadka u adeegi karin. Kuwa maanta mucaaradka siday shacabka oga dhaadhicin karaan anaga oo banaanka joogna ayaa wax qabanan doona haddii Kuwii Xukun ka joogay ee la doortay aysan Amniga iyo doorasha dalka wax ka qaban Karinโ..!!
“Seddex ama Afar ka mid ah Muwaadiniintu ma diidi karaan Xuquuqda 20-ka Milyan ee kale, Tabashada iyo talo dhiibashada yaan la dhaafinin halkeeda, damaca iyo doonistana hallagu xakameeyo sharciga oo yaan xuduudka la Talaabin”, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa sidaasi yiri.
โDadka Xamar ku nool waxaa maanta muhiim u ah “maxaa haray?”, ee dan kama lahan “yaa haray?” Dadku waxay xiiso weyn u qabaan in loo sheego “howl hartay”, ee waxba kama galin in loo sheego “hebello haray”.
Siyaasiga xukun-doonka ahaw, dooddaadu ha ka jawaabto baahida dadweynaha, in ka badan intii ay ka jawaabi lahayd baahidaada. Dadka u sheeg wax haray oo aad u hayso, balse ha u xanaaqin oo ha u xiiqmin keliya in aad adigu tahay qofka “haray” ee ay tahay in uu dadka hoggaamiyo.
Muqdisho waxay ku naaloonaysa nabadgaliyo ku dhawaad Seddex sano jirta. Waxaa soo yaraaday cabsidii amni darro ee sannado badan xoogganeyd. Horumarka amni ee jirana wuxuu noqday halbeeg “standard” lagu qiimeeyo waxqabadka qofka loo dhiibo mas’uuliyadda amnigaโ oo markii ay hal dhacdo oo nabadgaliyada wiiqaysa timaado la isku canaanto “beryahan sidaan waa la dhaamayย ee maxaa qaldamay?!”
Duruufaha maanta waa ay ka duwan yihiin kuwii shalay jiray. Waxaan aragnaa dardargalin amni, diyaargarow doorasho, guulo diblumaasiyadeed iyo dadaallo kale. Balse doodda mucaaradku waa caro iyo cila-dhaan cirka ku shareeran. Sida doodooda iyo duruufaha maanta ay isu seeggan yihiin ayay iyaga iyo bulshadu isu seeggan yihiin. Sidaasi waxaa qaba Qoraa Soomaaliyeed Maxamed Dhaaleey.
Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno!
Waa qormo uu Bartiisa Bulshada ku qoray Shadoor Xaaji Maxamuud taasoo ku bilaabanayesay โMa idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh ma difaaco badda Soomaaliyeed, oo waxaan marqaati ka nahay dadaalkii uu ku bixiyey Iyo guushii uu ka gaaray murankiiย Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Sannadkii 2024 mawqifkii caddaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sabab u ahaa in Itoobiya looga adkaado fagaarayaasha diblumaasiyadda caalamka, taas oo ku soo dhammaatay in MoU-gii ay Itoobiya lsaxiixatay Somaliland uu meesha ka baxo. Intaa waxaaba dheer in Dowladda Federaalka ay xiriir fiican la yeelato dalalย ย gobalka ku yaalla oo aysan Itoobiya isjeclayn sida Masar Iyo Eretriyaโ.
โWaxa uu qoraagu ku xusay qoraalkiisa โMa idin ka yeeli doonnoย Xassn Sheekh ayaa muddo kordhin raba oo waxaan u soo joognay in sannadkii 2016 kii siyaabo kala duwan loogu soo jeediyay inuu labo sano oo dheeraad ka ah muddo xileedkiisa ku darsado, soojeedinnadaas qaar waxay ka imanayeen beesha caalamka. Hase yeeshee madaxweyne Xasan ayaa diiday, wuxuuna galay doorashadii dadbanayd ee looga adkaadayโ.
โMa idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh waxba ma qaban oo kuwa qaylinayo ayaa wax qaban karo. Waxaaย marag ma doonto ah amniga magaalada Muqdisho sida uu isku beddelay. Ma jiraa qof magaalada cabsi ku dhex socdo oo qarax ka baqayo? Ma jiraan baabuur ka baxaya boosteejooyinka Bakaaraha Iyo Saybiyaano oo wada dad u dacwoonaya maxkamadahii argagixisada ee goballada? Ma jirtaa canshuurtii argagixisada la siinayay iyadoo Kontaynarka aanu dekedda Xamar imaanin? Waxaan og nahay ilaaย 700 KM la xoreeyay, cunaqabatayntii hubka la qaaday, Deyntii dalka cafinteeda la dhameystiray, Soomaaliyana ay xubin ka noqotay Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale wuxuu dalkeennu maanta 54 sano ka dib fadhiyaa Golihii Amaanka oo uu qeyb ka yahay go’aan-gaarista arrimaha caalamkโa.
โMa idinka yeeli doonno Xassn Sheekh ayaa doorasho dadban ka baqaya oo waa kii laba jeer ku soo najaxay haddana ka shaqeeynaya doorasho dadweyne oo idinka, anaga iyo dadka Soomaaliyeed u dan ah. Ma idin ka yeeli doonno Xasan Sheekh ayaa kaligii taliye ah ooย 2016-2017 u qabtay doorasho xor iyo xalaal ah oo kursiga looga qaatay. Waxa keliya ee aan idinka yeelayno waa in aad na dhahdaan; duqa waxaan ku haysannaa in uu noo ogolaan waayay inaan gaariga shirka kula fadhiisano oo aan la kaxeyno. Taasna duqu asaga ma diidin, ee waxaa diidday natiijadii doorashadii May 2022 oo soddomeeyo nin oo aad ku tartanteen ka soo dhex saartay hal darawal oo gaariga wada. Fadlan inoo oggolaada in dalkaan ka gudbo doorashadii dadbaneyd ee laaluushka iyo foolxumada badneyd, siย dhallinayarda aan ka mid ahay fursad u helaanโ.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
โAbaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo goโaan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeedโayuu yiri Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh, iyadoo munaasabadda lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarneyd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya & kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay & dadaalkooda muuqda ee lagu gaarsiinayo dadka ku nool Miyiga dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan hadda aheyn dal fashilmay oo ay ku socoto waddadii soo kabashada & horumarka.
Ugu dambeyn, wuxuu xasuusiyay caalamka in dowladdiisa ay guulo ka gaartay ololihii ay kula jirtay kooxaha argagaxisada ah, isagoo xusay inay ka xoreeyeen deegaanno muhiim ah oo ay horay uga talinayeen Al-shabaab.
Abaalmarintan ayaa timid kadib Hoggaamintiisa iyo siyaasaddiisa wax ku oolka ah ee dibadda & dhaqaalaha ayaa soo jeedinaya Indhaha caalamka, oo ay ku jiraan barnaamijka deyn cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka.
By. C/laahi Ruush