Muqdisho(SONNA)-: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine.
Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley Iskaashiga labada dhinac, bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM, iyo taageerada Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka AUSSOM uga warbixiyay horumarka dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo kuwo kale ee ay ku tallaabsatey Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka, Soomaaliyana ay qeyb ka tahay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan xasiloonida iyo horumarka gobolka.
Wakiilka ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, isagoo hoosta ka xariiqay in bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM uu waddada u xaari doono in ugu dambeyn, Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto hawlaha sugidda amnigeeda, kuna kalsoon yahay in Ciidamada Qalabka Sida ay waajibaadkaasi si hufan u gudan doonaan.