Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: January 3, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib kulan uu magaalada Djibouti kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay geerida fannaanaddii qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay Mareykanka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanadii Qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay dalka Mareykanka.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire.

7-Ra’iisul Wasaare Xamse  Cabdi Barre ayaa sheegay in  shuruuc laga soo  saari doonaa dadka baraha bulshada ka wada hurinta dagaallada qabaa’ilka  iyo kicinta bulshada.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay meel marisay heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay haweenka ku bahoobay Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka oo looga hadlayey kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

10-Soomaaliya oo si rasmi ah ugu fariisatey kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka tarjumeyso kalsoonida caalamka ku qabo Soomaaliya.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga, Caafimaadka, Tamarka iyo Biyaha iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) halkaas oo uu warbixin kaga dhegeystay mas’uuliyiinta hay’adahaasi.

13-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galey munaasabadda daah-furka hay’adda Bulsho SACCO oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yar yar.

14-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay fannaanadda Luul Jeylaani Cali.

15-Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo qeybaha kala duwan ee bulshada.

16-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Wasiirka Batroolka iyo Daahir Shire Maxamed ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay dhameystirka shuruucda ka faa’ideysiga kheyraadka dhulka hoostiisa, si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

17-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa digniin ka soo saartay adeegsiga muuqaalada iyo wararka lagu hurinayo colaadaha beelaha dalka ku dhaqan.

18-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar  ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

20-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

21-Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Cali Yuusuf Cali Xooshi ayaa  booqasho shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

22-Wasiirka Amniga Gudaha  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka.

23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka Booliska ay ku hawlgalaan Hoggaanka Gaadiidka, Ciidanka Miino Baarka iyo Guutada Ilaalada Madaxda ee Booliska ka tirsan.

24-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay shirka  la-tashiga hay’adaha dowladda ee wax ka beddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ah.

25-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta arrimaha nabadgelyada la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

26-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa magaalada Mersin ee dalka Turkiga kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaaladaasi.

27-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay  qeybo ka mid ah dalka.

28-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay  culimada Soomaaliyeed si looga  hortago khataraha  colaadaha sokeeya   ee ka socda qaar ka mid ah dalka.

29-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.

30-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis waqti kula qaatay Shacabka caasimada oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta.

31-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

32-Wasaaradda Qorsheynta  ayaa qabatey kulan wadatashi ah oo lagu diyaarinaayey  Qorshe Hawleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

33-Ciidanka Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa toogtay ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada kooxda Daacish oo isku dayay inay weeraraan xerada ciidanka ee deegaanka Dharjaale ee gobalka Bari.

34-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay koox dilal geysatay iyo kuwa ka ganacsanayay maandooriye oo lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Serbia oo ka hadlay qodobbo mujiim u ah labada dhinac

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa soo gabagabeeyay kulammo muhiim ah…

Gudaha
September 5, 2025

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xadgudubka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):-Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee…

GudahaWararka
January 4, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS ee…

GudahaWararka
March 17, 2025

G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali…

GudahaWararka
July 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023