Ankara(SONNA):- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo wasiirka Cadaaladda Turkiga, mudane Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday heshiiska wareejinta Maxaabiista xukuman iyo heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada oo muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga.
Heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhammaystaan xabsigooda, si ay u arki karaan qoysaskooda iyo deegaankood.
Heshiiska Kaalmada Sharciga ee isku-kaashiga Dacwadaha Dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed, iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.
Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.
Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an kor u qaadista sarreynta sharciga iyo cadaaladda.