Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 2, 2024
9 Min Read
Share

Ka dib markii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay sidaa codsatay, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku raacay oo uu qaraar ku soo saaray in UNSM looga guurayo UNTMIS.

1-dii bishan Nofember waxaa billowday Xafiiska cusub ee loo bixiyay UNTMIS, oo ah Barnaamijka Qaramada Midobbay oo laba sano gudahood si qunyar socodnimo ah howlihii Xafiiskii UNSOM midba mar ku wareejin doona Dowladda Federaalka ah iyo Laamaha Qarammada Midoobay iyaga oo raacaya jadwalka gooreysan ee kala guurka oo ay labada dhinac wadajir u soo diyaariyeen, Golaha Ammaankuna uu qaraarkiisa dhawaan ku qeexay.

Haddaba iyada oo aan loo kala harin ansaxinta Qaraarka 2753, ayaa Golaha Amaanka waxaa uu waajibaadkii u wareejiyey Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya, sida lagu qoray Bogga Wakiilka ku meel gaarka ah ee Qaramada Midbboya ee Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta guulihii laga gaarey nabadda iyo amniga ee Soomaaliya, waxaana uu dhawaan goโ€™aansadey in Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM)) loo bixiyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya ( the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia) iyo in Hawlgalkan dambe uu si rasmi ah kalaguurka howlihiisa u bilaabo 1da Nofembar ee sanadkan.

Golaha oo dhammaan xubnihiisu iyaga oo aan u kala harin ay wada ansaxiyeen qaraarka 2753 (2024) (oo la soo saari doono isaga oo ah dokumenti S/RES/2753(2024)), ayaa sidoo kale goโ€™aansadey in Howlgalka Ku-meelgaarka ah uu wejiga koowaad ee kala guurkiisa ku jiri doono ilaa 31ka Oktoobar 2025-ka. Tallaabooyinka ku dhigan faqradda 3aad ee qaraarka ayaa noqonaya marxaladda koowaad ee kalaguurka labada weji ka kooban ee lagu talogaley in howlgalka Ku-meelgaarka ah uu ugu xuubsiibto kooxda Qaramada Midoobey ee dalka, taas ayaana muujineysa doonistiisa ah in uu joojiyo howsha Howlgalka dhammaadka muddada kala guurka ee la saadaalinayo ugu dambeyn 31ka Oktoobar 2026-ka.

Arrimaha mudnaanta leh ee kalaguurka, ayaa qoraalku hoosta ka xarriiqey in ay yihiin taageeridda Qaran-dhisidda, oo ay soo hoos gelayaan geeddi-socodyada dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada ku aaddan qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah; dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqaha aadanaha; taageeridda talinta sharciga, waaxda asluubta iyo amniga; isuduwidda taageerada caalamiga ah ee deeq-bixiyeyaasha, la-shaqeynta bahwadaagta heshiisyada laba-geesoodka ah iyo kuwa geeso-badanta ah; iyo isuduwidda dadaallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya gudaheeda ka socda.

Wakiilka dalka Sierra Leone oo hadalka qaatey ka dib markii la ansaxiyey qaraarka, oo sidoo kale u hadlayey dalalka Aljeeriya, Guyana iyo Mozambique, ayaa xusey in Dowladda Soomaaliya ay codsatey in kalaguur marxaladeysan UNSOM loogu beddelo Howlgal Ku-meelgaar ahย  muddo laba sano ah, si gacan looga geysto xoojinta horumarkii laga gaarey geeddi-socodka Qaran-dhisidda. Waxaa uu โ€˜Haaโ€™ ugu codeeyey qaraarka, si looga shaqeeyo in si taabogal ah loo hirgeliyo qorshaha Dowladda ee waaxda amniga, ayaa uu yiri, iyo sidoo kale qorshaha is-beddelka qaranka โ€” labadaas qorshe oo ah kuwo muhiimad weyn u leh amniga dalka iyo guud ahaan kan gobolka.

Ansaxinta ayaa muujineysa in wadajir ahaan loo qirey horumarka ay gaartey Dowladda, kaas oo hadda la waafajinayo xaqiiqooyinka iyo baahiyaha dhabta ah ee dalka ka jira, ayaaย  uu yiri, iyada oo ujeeddada ugu dambeysa ay tahay in masโ€™uuliyadaha lagu wareejiyo dalka martida loo yahay. Isaga oo ugu baaqey Hawlgalka Ku-meelgaarka ah in uu fududeeyo dadaallada ku wajahan doorashooyin xor iyo xalaal ah iyada oo loo marayo geeddi-socod loo dhan yahay, oo daahfuran oo kuna dhisan hal qof iyo hal cod, waxaa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wax walba laga hormariyo danaha Dowladdda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro geeddi-socodka ku-meelgaarka ah.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ka socdey ayaa Carrabka ku adkeeyey in UNSOM ay tan iyo markii la aasaasey sanadkii 2013kii, ay qaadaneysey door muhiim ah, iyada oo dalka siineysey hagid siyaasadeed, taageero farsamo iyo karti-dhisid. Inta uu Hawlgalka Ku-meelgaarka ah uu hawsha la wareegayo oo uuna bilaabayo in uu u xuubsiibto kooxda QM ee dalka, ayaa Dowladda Ingiriisku waxaa ay la shaqeyn doontaa dhammaan daneeyeyaaasha, iyada oo sii wadeysa in ay wax ka qabato waxyaabaha muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya.

Si taas ka ag dhow, ayaa isna ergeygii ka socdey Mareykanka waxaa uu xusey in Qaraarku uu sii wadayo waajibaadkii UNSOM, isaga oo isla mar ahaantaana dhexgelinaya talooyinka ku habboon. Waxaa uu Golaha ku waajibinayaa in uu sii wado dib-u-eegista xaaladaha ka jira deegaanka iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso doorashooyin ayna horumar joogto ah ka sameyneyso dib-u-heshiisiinta, xuquuqaha aadanaha, awoodsiinta haweenka iyo ilaalinta Suxufiyiinta.

Ereygii ka socdey Shiinaha oo ka hadlayey lahaanshaha ayaa xusey in UNSOM ay dadaallo waaweyn ku bixisey taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isuduwidda gargaarka caalamiga ah, hase yeeshee, waqtigan muhiimka ah, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah waa in uu ixtiraamaa in geeddi-socodka ay hoggaamiyaan ayna lahadaan Soomaalida, uu xoojiyaa war-isgaarsiinta kala dhaxaysa Dowladda Soomaaliyeed oo uuna bixiyaa taageero habboon oo waafaqsan arrimaha horumarinta ee hortebinta u leh qaranka. Inta u socdo kala-guurka marxaladeysan, waa in Howlgalku uu xoojiyaa in aqoon iyo xirfado loo gudbiyo shaqaalaha deegaanka, la-ballaariyo waddooyinka lagu gacansiin karo dhaqaalaha deegaanka, oo laguna sii wanaajin karo maciishadaha dadka.

Isaga oo soo gunaanada kulanka, ayaa ergeygii ka socdey Soomaaliya uu sheegey in qaraarka uu muujinayo sida ay Golaha uga goโ€™an tahay in uu dhaqangeliyo codsiga Dowladdiisa ay ku codsatey in UNSOM ay labada sano ee soo socda gudahooda u xuubsiibato kooxda Qaramada Midoobey ee dalka. Isaga oo amaanaya dadaalka shaqaalaha UNSOM ay muujiyeen tobankii sano ee la soo dhaafey, ayaa waxaa uu sii saadaalanayaa in iskaashi dhow ay yeelan doonaan kooxda kalaguurka iyo kooxda QM ee dalka, gaar ahaan ay ka yeelan doonaan hirgelinta mashaariicda horumarinta ee muddada dheer. Isaga oo carrabka ku adkeynaya muhiimadda ay leedahay mudnaansiinta qarameynta inta lagu guda jiro marxaladda ciidan dhimista, ayaa waxaa uu Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ku dhiirrigeliyey in uu dadaal joogto ah ku bixiyo wax-ka-soo-iibsiga dalka iyo qorashada shaqaale dalka u dhashey, gaar ahaan haween Soomaaliyeed, si ay gacan uga geysto karti-dhisidda iyo maalgelinta dhaqaalaha degaanka inta lagu guda jiro muddada kalaguurka.

โ€œGo’aankii dhawaan ay ku dhawaaqeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu soo gabagabeeyay howlgalkii UNSOM, waa tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah oo calaamad u ah bisaylka iyo kalsoonida DFS ka gaartay ka maarmidda kaalmada dibadeed qaarkeed. Goโ€™aankan ayaa ka dambeeyay markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in howlgalkan uu dhammaado, taasi oo muujineysa kalsoonida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabto in hayโ€™adaha dalkeennu la wareegaan masโ€™uuliyadda dalkeena, sidaasi waxaa yiri:- Xil. Mahad Abdalla Awad Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka

โ€œTallaabadan cusub waa mid farxad iyo yididiilo leh, waxaana waajib nagu ah inaan taageerno horumarka, iyadoo la xoojinayo hayโ€™adaha iyo nidaamka dowladnimo si aan u hubinno xasiloonida iyo horumarka dowladnimo. Waxaan u mahadcelinaynaa xubnaha Golaha Amaanka UNSC iyo dhammaan saaxiibbada caalamka oo qayb weyn ka qaatay goโ€™aanka taariikhiga ah oo Soomaaliya ku qaadaneyso masuuliyaddeedaโ€.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kiis lala yaabay oo Maxkamadda Gobolka ka dhacday (WARBIXIN)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqayย  in dagaal…

GudahaMaqaallada
September 25, 2024

Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka (EAC}

Muqdisho(SONNA):-Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaele, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare…

GudahaWararka
October 21, 2024

Xamar-jajab iyo Garbahaarey oo caawa isku arkaya tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SONNA):- Degmooyinka Xamar Jajab iyo Garbahaarey oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Gedo ayaa caawa isku araya tartan…

GudahaWararka
March 11, 2024

Ciidanka deegaanka Degmada Ceeldheer oo dilay 10 khawaarij ah

Ceeldheer(SONNA):-Ciidamada Xaq U dirirka Deegaanka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saaka aroortii hore weerar dhowr jiho ah ku qaaday…

GudahaWararka
April 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023