Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Itoobiya oo hamigeedii Badda soo gaabtay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Itoobiya oo hamigeedii Badda soo gaabtay (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Itoobiya oo hamigeedii Badda soo gaabtay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 30, 2024
7 Min Read
Share

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxay qaadday tallaabo adag, si ay u ilaaliso danaha guud ee Qaranka oo ay u adkeyso heerarka diblumaasiyadeed ee Caalamiga ah, taasi oo muujinaysa sida ‘Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga Caalamiga ah’.

Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxay ku dhawaaqaysaa “in Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ama ahaa ku xigeenka qunsulka Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho,  ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee joogay Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed ee soo baxay sanadkii 1961-kii, gaar ahaan Qodobbada 41-aad iyo 42-aad, kuwaasi oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.

‘Sidaasi darteed’,ayaa lagu yiri;- Waraka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaaliya in Cali Maxamed Aadan ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata), waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan”, waxaa kaloo la soo raaciyay “ Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda Madax-bannaanideeda Qaranka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya, oo ah dal madax-bannaan, waxay xaq u leedahay inay go’aansato dalalka ka howlgali karaya xuduudaheeda, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo nabad ilaalinta. Go’aankani waa inuu noqdaa mid ku qotoma ixtiraamka madax-banaanideena, madaxbanaanida dhulkeena iyo himilooyinka dadkeenna. Nasiib darro, Itoobiya waxay jabisay kalsoonidii lama huraanka u ahayd iskaashigaasi, iyadoo ku dhaqaaqday falal si toos ah u wiiqaya danaha Soomaaliya, oo ay ugu weyn tahay inay heshiis is-faham oo sharci-darro ah (MOU) la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiiskan, oo la saxiixay iyadoo ogolaansho laga haysan Dawladda Soomaaliya, ayaa ah xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-banaanidayada, wuxuuna su’aal gelinayaa damaca Itoobiya”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Sadiiq Warfaa oo horey u soo noqday Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshdada ee Xukuumaddii hore.

Muddo sanado ah, Itoobiya waxa ay aheyd ciyaaryahan firfircoon ee arrimaha gudaha ah ee Soomaaliya, islamarkaana uu caalamka kala tashado, sidii inay wali tahay ayay ismoodaa, balse  si kastaba ha ahaatee, ficilladeeda ayaa isa soo taraysa, taasi oo daaha ka qaaadysa istiraatijiyad looga gol leeyahay in lagu kobciyo kala qaybsanaanta Soomaaliya dhexdeeda, halkii la horumarin lahaa midnimada. Faragelinta Itoobiya waxaa sii xoojisay oo kaliya khaladaadka ku jira hab -dhaqankeena siyaasadeed iyo bulsho, iyada oo ka faa’iidaysanaysa caqabadahayaga si aan u sii wadno ajandaheeda iyo habkeeda xun. Hab-dhaqanka itoobiya waxa uu ka hor imanayaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u raadinaya midnimo, xasilooni iyo nabad.

“Ajendaheena Qaranku waa cad yahay: inaan dhisno Soomaaliya mid ah oo ka madax bannaan faragelinta shisheeye, gaar ahaan kuwa doonaya inay ka faa’iidaystaan ​​ dayaceena iyo kala qeybsanaanteena, si ay u helaan danahooda dhaqaale ama siyaasadeed”, ayuu sii raaciyay Sadiiq Warfaa.

Markaan uu ka hadlaayay ATMIS-ka kadib (Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya), waxa uu yiri:- “Soomaaliya waa inay si caqli-gal ah u doorataa la-hawlgalayaasheeda. Mustaqbalka nabada iyo xasiloonida qarankeenu waxa uu ku xidhan yahay la shaqaynta wadamada iyo ururada sida dhabta ah u ixtiraama madax-banaanidayada oo ay ka go’an tahay in aan taageerno dadaalkeena ku wajahan dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska. Itobiya, ficilkeeda, waxay ku caddaysay in aanay ahayn saaxiibkaa.  Waa wax aan la qiyaasi karin in ummad si firfircoon uga qaybqaadanaysa kala qaybsanaanteena ay yeelan karto cod sharci ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalkeenna, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabad-dhisidda”.

“Waxaan si adag ugu taagan nahay in aan aaminsan nahay in Itoobiya laga saaro wax kasta oo ku lug leh lahaanshiyaha Soomaaliya ee ATMIS-ka kadib. In la oggolaado waddan muujiyay rabitaan ah inuu ina kala qaybiyo si uu kaalin uga qaato geeddi-socodkeena nabadeed, waxayna noqonaysaa mid aan faa’iido laheyn, waxayna u adeegaysaa xasilloonida darrada dalkeenna. Soomaaliya waxay u baahan tahay saaxiibo si dhab ah u maalgeliya midnimadeena, amnigeena, iyo barwaaqadeena. Waddan kasta oo doonaya in uu wax-is-daba-marin iyo jab nagu sameeyo laguma aamini karo inuu si togan uga qayb-qaato socdaalkayaga ku aaddan nabad iyo xasillooni waarta. Waa in aan mudnaanta siinaa kuwa nala garab taagan, ee ma ahan in aan ka hor imaano, marka aan dhiseyno Soomaaliya midnimo, adkeysi iyo gobanimo, ayuu ku soo qatimay Xildhibaan hore iyo Wasiir hore mudane Sadiiq Warfaa.

Dhinaca kale Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo dhawaan hadlay ayaa ku celceliyey muhiimadda ay Ethiopia u leedahay inay gaarto Badda Cas, wuxuuna sheegay in riyada Ethiopia ee ah inay BAD hesho ay rumoobi doonto ‘maanta ama jiilka dambe ay ka dhabeyn doonaan gaarista hadafka Ethiopia ee ah inay saldhig ku yeelato Badda Cas.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in markii uu is-afgaradka la saxiixday Somaliland lagu cambaareeyey, laakiinse maanta dadku isweydiinayaan sababta aan ficil uga dhigi la’nahay is-afgaradkaas. Abiy wuxuu si adag u difaacay saxna u arkaa is-afgaradka badda ee uu la gaaray maamulka Somaliland, waxaa kaloo uu sheegay inuusan jirin deg deg ay ku meelmarinayaan is-afgaradka, laakiinse ay qaadan karto tobannaan sano, si looga dhabeeyo riyada Ethiopia ee ah gaarista Badda Cas.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Caalamka ayaa hadalkaasi ka soo yeeray Abiy Axmed ku fasiray inuu muujinaayo inuu ku hungoobay damaciisa la xariira gaarista Badda Soomaaliyeed iyo meelmarinta Is-afgarad ku sheeggii (MOU) ee sharci darrada ahaa ee ay wada gaareen isaga iyo Muuse Biixi, marka falanqeeyayaashu waxay qabaan in Itoobiya uu hamigeedii Badda uu hadda soo gaababoobay.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir ka tirsan maamulka Muuse Biixi oo iscasilay 

Muqdisho(SONNA):-Wasiirkii maamulka Muuse Biixi ugu magacawnaa Ciidamada Cabdiqani Caateeye ayaa caawa iska casilay xilkiisa,sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee…

GudahaWararka
January 7, 2024

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MADAXDA DALALKA COMESA U BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHIGA DHAQAALE EE DALKEENNA

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb-galay Shir Madaxeedka Suuqa-wadaagga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA)…

GudahaSawirroWararka
November 23, 2021

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay xuska maalinta dhalinyarada Turkiga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
May 19, 2025

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Ciidamada furimaha ku jira

Jowhar-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow , ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
January 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023