Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: “Dhaq-dhaqaaqyada Militari ee ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > “Dhaq-dhaqaaqyada Militari ee ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

“Dhaq-dhaqaaqyada Militari ee ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 5, 2024
6 Min Read
Share

Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay taageero dheeraad ah siiyaan, si ay u wajahdo caqabadaha halista ku ah qaranimadeeda iyo xasiloonideeda, iyadoo khudbad uu ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallin Faqi, waxaana uu ku daray inay Soomaaliya wajaheyso isku dayo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu xad-gudbeyso dhulkeeda, ciidanka la-dagaallanka argagixisada si ay ugu caddeeyaan dhaq-dhaqaaqooda, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu qarinayo balaarinta iyo xukunka.

Wasiirku waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si bareer ah uga qeyb qaadatay wadahadalo dublamaasiyadeed oo ay wadeen wadamada saaxiibka sida Turkiga, iyagoo raadinaya xal nabadeed, waxa uu sidoo kale xusay in dhaq-dhaqaaqyada Militari ee ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah ay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay sii socoshada wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilliga kala guurka ah, isagoo xusay in si weyn loogu mahadcelinayo doorka howlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada xasiloonida dalka sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Fiqi ayaa u mahadceliyay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah Dalka Switzerland, islamarkaana ammaanna u jeediyay Danjire Sania Strasi doorkii ay ka qaadatay doodihii hore, wuxuu sidoo kale xusay wadatashiyada qaran ee ka socda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay horumarinta maamulka loo wada dhan yahay iyo dib-u-habeynta doorashooyinka.

Wasiir Fiqi waxa uu si xooggan u diiday sheegashada dhuleed ee Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay ka faa’iidaysanayso la dagaallanka argagixisada sidii marmarsiiyo ay dhul ugu qabsan laheyd, wuxuuna sidoo kale soo bandhigay in la qabtay hub sharci-darro ah oo Itoobiya ka yimid, kuwaasi oo hurinaya dagaallo maxalli ah oo awood siinaya kooxaha xagjirka ah, isagoo tallaabooyinkan ku tilmaamay xadgudub cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qiray taageerada Howlgalka Ku-meel Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), wuxuuna xoogga saaray howlgallada xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS, iyadoo adeegyada dowladeed lagu ballaariyay deegaannada la xoreeyay. Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqaynta Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga iyo maamulidda iyadoo waddanku ku jiro marxalado muhiim ah.

Dhinaca kale Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca Ammaanka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxayna mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Midnimada dhuleed, waxayna isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika.

Wadamadaan ayaa sidoo kale dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, shirarkaas oo dowladda Soomaaliya ay ku caddeysay mowqifkeeda ah ‘in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xadgudubka ah’.

Kulaan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka, iyadoo inta uu socday kulanka ayaa looga hadlay baahida deg dega ah ee loo qabo in la dhammeystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya, si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna Wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa wali go’aan ka gaarin Dalalaka Ciidamada ku biirun doona howlgalka soo socda ee taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee (AUSSOM), kaasi oo la doonayo in 2025-ka uu ka bilowdo Soomaaliya, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay weli ku adkeysaneysa in Itoobiya laga saaro ciidamada howlgalkaas qeybta ka noqonaya, haddii aanay Ethiopia ka laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan.

Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Afrika General Michael Langley ayaa la weydiiyay su’aal aheyd ma laga yaabaa in Mareykanka uu ku biiro howlgalka Soomaaliya?, Taliyuhu wuxuu meesha ka saarayaa ku lug lahaanshaha Mareykanka ee xilliga kala guurka ah ee ciidamada Midowga Afrika ee dhammaadka sanadkan.

Madaxa ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS, danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyay arrimaha Soomaaliya, waxa uu u mahadceliyey Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha ATMIS-ka sida ay ugu heelan yihiin nabadda, geesinimada & maamuuska geesiyaasha dhintay si ay u sugaan mustaqbalka Soomaaliya.

SRCC waxay qeexday dib-u-habeynta maamulka, oo ay ku jiraan dib-u-eegista Dastuurka Ku-meel-gaarka ah iyo Hindise-sharciyeedka cusub ee lagu dhisayo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka. Tallaabooyinkani waxay xoojin doonaan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna kor u qaadi doonaan daahfurnaanta, iyo xakamaynta hubka, waxayna bogaadisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee la xoojiyay ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu burburiyay saldhigyadii nabad-diidka, laguna ciribtiray hoggaamiyeyaashii muhiimka ahaa.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Muungaab oo ka dhawaajiyay mashaariic cusub oo laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo uu hoggaaminaayey ayaa ka qeybgalay kulan wacyigelin ah oo lagu qabtay Degmada Kaxda…

Gudaha
September 19, 2025

Tiradii ugu badneyd ee Khawaarij ah oo isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Baydhabo(SONNA):-Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay maleeshiyaad…

GudahaWararka
April 1, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir muhiima ku casuumay madaxda xilka haysa iyo kuwii hore

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay madaxda talada haysa iyo madaxdii…

GudahaSiyaasaddaWararka
July 11, 2023

Wabiga Jubba oo ku fatahay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gado

Doolow (SONNA):- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gado sida degmada;  Doolow, Baardheere,…

GudahaWararka
November 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023