Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 11, 2024
7 Min Read
Share

Beryahaanba waxaa jiray far isku tag ka dhex aloosnaa Dowladaha Soomaaliay iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan damac gurracan oo ay la soo baxday Xukuumadda uu hor boodo Abiy Axmed, kaasi oo ku qotoma Is-afgarad beenaad dhex maray isaga iyo Muusi Biixi, kaasi oo salka ku hayay kala bedelasho Dhul-Bad iyo Aqoonsi, taasi oo ay Dowladda Somaaliya ganafka ku dhufatay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka, isaga oo si gaar ah uga hadlayay farriimha qaldan ee ka imanaya qaar ka mid ah Hoggaamiye goboleedyada dalka ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in aysan Itoobiya ku garab istaagin damaca gurracan ee ay ka leedahay geyigeenna. “Qof kasta oo kala qeybinaya Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed oo qabyaalad ku kula qeybinaaya oo masaaliix ku kala qeybinayaa oo gobol ku kala qeybinaaya oo deegaan ku kala qeybinaya, Qofkaasi waa cadow Soomaaliyeed, cadow haddaad maqasho waa kaa uun,  shacabka Soomaaliyeed waa inay kala bartaa Dadkaasi”

Mudane, Xamsa oo ka hadlayay munaasabad Dhagax dhig ah oo ka dhacday xaruunta Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS oo dib loo dayactiraayay ayaa sheegay difaaca Qaranimada iyo midnimada bulshada aan gorgortan laga geli Karin, wuxuuna hoggaamiyeyaasha kala duwan , siyaasiyiinta iyo Odayaashuba ugu baaqan in aysan si qaldan wax ugu sheegin bulshada oo aysan Ummadda ku beerin qabyaalad, iyagoo dana gaar ah eeganaya, taasi oo keeni karta fashil, wuxuuna xusay in ay ku cibra qaataan waxyaabihii la soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay soo celinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay “ in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay cilaaqaad la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka, maadaama aynu nahay dowlad madax bannaan.””Dowlad kale oo Soomaaliya ciidan keysaneysa ma jirto, islamarkaana na weydiisatay, laakiin xaq baannu u leenahay haddaan Soomaali nahay, wadan madax banana baannu nahay haddaan dowlad kale u tagnay oo Carbeed oo aan dhahnay na caawiya, taasina macnaheedu ma ahan in aan dowlad kale ku duuleynno.”

Raiisul-wasaaraha Dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa is weydiiyay, “Siyaasiga Soomaaliyeed goormuu qaan gaarayaa, Odeyga Soomaaliyeed goor muu  qaan gaara?, ma marka adduunka la rogo? Soomaali oo dalkeeda difacaneysa oo aan gardarro rabin oo mar walba raadineysa iyo dowlad leh ‘MAYA’ meeshaan gar iyo gardarraba waa inaad is siiso, ama sidii aan u saxiixday aad iigu deyn ama xoog baan ku iman, labadaasi ayay maraysaa, Soomaali is jiid-jiidataahi ama is fiir-fiirsataahi meeshaas boos kuma leh, waxaana ka codsaneynaa siyaasiga Soomaaliyeed, Odeyga iyo dadka Soomaaliyeed inaanan khadka ka dhumin”

“SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro”, sidaasi waxaa bartiisa Facebook-ga ku qoray Wasiir Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac, “Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo.”Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah”ayuu siiu raaciyay qoraalkiisa.

Wasiirka waxaa kaloo qoraalkiisa ku yiri:-“Ma jiro Qof xaq u leh in uu ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed, waxaana si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed. Taariikhda difaaca Qaranka Soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca Qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya.”

Wasiir Jaamac oo si gaar ah ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, “marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo, dadkeenana gumeeyo. SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeedna waxaan xasuusinayaa in kuraasta ay ku fadhiyaan ay yihiin kuraas gobeed oo leh sooyaal sharfan oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Waxaan ku fadhinaa kuraas ay milkiilayaashooda dhabta ah yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen iyo halgamayaal aan tira lagu koobi karin oo ah Aabayaasha halganka taariikhiga ah ee difaaca Qaranka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ku faraxsanahay in ogaalka iyo fahamka heerkaa gaarsiisan ay leeyihiin rag iyo dumar badan oo maanta indho u ah siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase waajib naga wada saaran yahay in aan garbaduub u xirno cid walba oo wasakheyneysa sooyaalka quruxda badan ee aan huwannahay. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadka gobta ah ee daga uma qaadi karno dhegxumo iyo wax dhaawacaya sumcaddooda taariikhiga ah,  kana weecsan taxanaha sooyaalkooda gobannima doonka ku asteysan. Qof walba oo naga mid ahna waa in uu dareenkaa qabaa kuna dhaqmaa. Sidaan taariikhda ka baranay, Koonfur Galbeed iyo dadkeedu marna gogol soo dhaweysa uma noqon doonaan cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena.”

“ALLOW YAA DARWIISHKII FARRIIN DABACSAN GAARSIIYA;

IN DARIIQADII NOOSHAHOO, DIHINA SOO GAADHAY;

OO UU DABKUU SHIDAY, RAG KALE DOGOBYO SII SAARAY.”, Gabeygaan ee uu tiriyay Abwaan Axmed ismaciil diiriye (Qaasim)   ayuu ku soo gunaanaday Wasiir Jaamac Qoraalkiisa.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku faraxsantahay inay ku…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukumadda Federaalka Soomaliya oo ka digtay fatahaad uu samayn doono Webiga Shabeelle

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaliya oo Digniin ka soo saartay Fadahaad uu samayn doono Webiga Shabeelle Ra'iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane…

GudahaWararka
November 9, 2023

Wafdi ka socda DFS oo ka qeybgalaya shirka Isbaheysiga Ciidanka Dalalka Islaamka

Muqdisho(SONNA):-Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Sareeye Guud Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga…

GudahaWararka
March 18, 2024

Ganacsato Soomaali ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Dalka Jabuuti iyo ganacsato Soomaali ah ayaa caasimadda dalkaasi ku soo gabagabeeyay shir looga hadlaayey sidii…

Gudaha
May 30, 2025

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku aadeysan argagixisanimo

Muqdisho.(SONNA):- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada kooxda Khawariijta Al-shabaab. 10-kan…

GudahaWararka
November 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023