Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr. Maryam Maxamed Xuseen ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa hay’adda ACF (Action Against Hunger-USA), Mr. Charles Owubah oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya markii ugu horreysay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta wasaaradda iyo Hay’adda ACF.
Intii uu socday kulanku ayaa wasiir dowlaha wasaaradda caafimaadka Dr. Maryama iyo Mr. Charles Owubah waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha muhiimka ah ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan kor u qaadista adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Wasiiru dowllaha ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la kordhiyo iskaashiga farsamo ee ACF iyo Wasaaradda Caafimaadka.
Ugu dambeyntii, wasiiru dowlaha Dr. Maryam Maxamed ayaa uga mahadcelisay Mr. Charles Owubah iyo wakiilka Hay’adda ACF ee Soomaaliya, dadaalka weyn ee ay ugu jiraan sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu gaarsiin lahaayeen adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka. Wasiiru Dowllaha ayaa sidoo kale muujiyey in Wasaaradda Caafimaadka ay si weyn ugu qanacsan tahay wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac, ayna rajeynayso in xiriirkaasi uu sii xoogeysto mustaqbalka.