Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 26, 2024
7 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya muddadii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Argagixisadda ah, iyadoo in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo isugu jira Degmooyin, magaalooyin iyo Deegaanno looga xoreeyey khawaarijta, waxaa kaloo ka mid ah waxqabdka dowladda waxay tayeysay ciidamada qalabka sida, islamarkaana kobcisay dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, taasoo ay Soomaaliya ka qeybgashay shirarka ka dhaca fagaarayaasha caalamka, waxayna dowladdu ku Soomaaliya guuleysatay in loo doorto Kursiga xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay ku fariisan doonto sanadka 2025-ka.

Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:

  1. Dagaalka khawaarijta oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen.
  2. Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.
  3. Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika
  4. Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.
  5. Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi, wuxuuna maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran, taasi oo ay Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir, kuwaasi oo kala ahaa:-

  1. Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga
  2. Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka
  3. Tiirka Soomaali Heshiis ah
  4. Tiirka isku filnaasho dhaqaale
  5. Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda
  6. Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda

Marka waxaan dhihi karnaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Ra’iisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee Masuul ku magacaabo.

Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waaweyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, iyadoo taasi jirto ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay, kaas oo dhawaan lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Dhammaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigeen muddada labada sano aheyd waxii u qabsoomay, kuwaasi oo bulshada kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed faah-faahin dheer ka siiyay waxqabadkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr: xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay sanadaha soo socda waxa u qorsheysay “Labada sano ee soo socota way ka duwabnaan doonta lbdii sano ee la soo dhafay Ilaahey idinkiis, labada sno maahee sanadka soo socda waa ka duwan yahay waa hubaa maalinteeda marka la gaaro mashaeiic waweyn la sheego oo la soo bandhiggo Dad badan yaa dhihi doono ‘been waaye waxan maa la gaari karaa, waa beenta Soomaalida iyo faan waaye, laakiin dadka been looma sheego,mana loo ballan qaado, wixii aan ballan qaadno waa inay fulaan, mashaariic  aad u waaweyn oo Dadka Soomaaliyeedna noloshooda wax ka bedeli doona, Soomaalidana maanta meesha ay joogto wax ka bedeli doonto ayaa soo socda Ilaah Idinkiis, maalin aan dheerey ayaa la soo bandhigi doonaa, waana la sheegi doonaa” .

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aad hadalkaasi u soo dhaweeyay, waxayna xuseen in sida sheegay Madaxweyne Xasan inuu yahay Masuul laga filan karo waxa uu sheegay, waayo ayay yiraahdeen ‘markii uu xlka qabanayay waxa uu ballan qaaday 5 qodob, kuwasi oo inta badan ay ku fuleen muddo laba sano ah, inta dhimmanna uu dhameystiri doono, waana ku rajo weynahay inay mashaariicdaasi iman doonaan, iyagoo intaasi raaciyay oo yiri:- “intee baynu sugeynay waqbadka ilaa heerkaasi oo kale ah, marka ku soco mudane Madaxweyne Qabyo tirkaaga, Dalkaan waxa uu u baahan yahay Hoggaamiye sidaada oo kale ah ”.

Waa wax loo baahnaay in dadka la baro in dalka Soomaaliya ay ka jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuulna ka tahay ilaalinta Madax Banaanida, sharafta, Cirdiga iyo wixii la halmaala. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaalinta 1-aad kaga jira kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka 24-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo madaxdii soo maray dalka. Ma ahan ra’yi ee xogta hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha ayaa ka marqaati kacaya.

Heerka shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacay 0.7% intii u dhaxeysay 2012-kii iyo 2017-kii, taasoo keentay shaqo abuur gaaraya 105,000. Shaqo la’aanta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay 2021kii, laakiin waxay hoos u dhacday 0.6% sannadkii 2023-kii, taasoo keentay in 90,000 oo muwaadin ay shaqo helaan (World Bank), waxaana intaa dheer, in dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) uu kor u kacay, maanta waa 4.2%, halka uu ahaa 2.4% sannadkii 2022-kii.

Dhaqaaluhu inuu kobco, shaqo la helo, dalku horumaro, Soomaaliya Barwaaqo ah la gaaro waxaa ku hor gudban cadowga 1-aad ee qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay oo ah Khawaarijta ku naaxay daadinta dhiiga dadka masaakiinta ah iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

MUHIIMADA 1-AAD EE DOWLADA:- Muhiimada 1-aad ee Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab. Waxaana yoolkaas laga gaaray guulo waaweyn oo 800 km looga xoreeyay argagixisada. Todobaatan sano jir asaga oo ah ayuu tuute ciidan u xirtay, 70% waqtigiisana waxa uu ku bixyaa sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ka madaxbanaan argagixiso.

By. C/lahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka Qadar

Doxa(SONNA):Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qadar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane…

GudahaWararka
September 15, 2025

Wafdi uu hogaaminayo maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (SONNA): Wafdi uu hoggaaminayo maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Sucuudiga 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐌𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝 oo casuumaad rasmi ah…

GudahaWararka
January 14, 2025

Wasaaradda kalluunmeysiga XFS oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalumeysta biyaha Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda kalluunmeysiga iyo Dhaqaalaha buluugga ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dhammaan maraakiibta sida sharci…

GudahaWararka
March 5, 2023

MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir…

GudahaSiyaasaddaWararka
December 12, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023