Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada
Gudaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada

By Kulane
Last updated: November 27, 2025
2 Min Read
Share

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulankiisa sagaalaad ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka furay ayaa bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka howlaha ay hayaan ee la xiriira ka shaqeynta shuruucda ay gacanta ku haayaan iyo kulamada la xisaabtanka ah ee ay la yeelanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay korjoogteynta ku leeyihiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaba Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyey shirkii Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee ka dhacay Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasi oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo sidoo kale in Soomaaliya bartamaha sanadka 2026 ay marti geliso shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa guddi walba waxaa laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo sidoo kale habraacyada u dhiman, waxaana xubnaha guddiga ajendeyn iyo jadwaleyn ku sameeyeen ajendayaasha kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay guddiyada Golaha in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana ay goleweynaha u gudbiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda Dalal EAC oo ugu hambalyeey Dowladda Soomaaliya ka mid noqoshadda Ururkan

Muqdisho(SONNA):-Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid…

GudahaWararka
November 25, 2023

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Muqdisho(SONNA);-Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday safaaradaha dalalka Carabta ee fadhigooda yahay dalka Kenya, kuwaas…

GudahaWararka
July 14, 2025

𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐲

Muqdisho,(SONNA):- Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa ka qayb gashay munaasabad si rasmi ah loogu…

GudahaWararka
February 7, 2026

DFS oo hambalyo ku aadan Maalinta Jamhuuriyadda Türkiye u dirtay Madaxda iyo shacabka dalkaasi 

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu hambalyeeneeysaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo shacabka geesiyaasha ah ee Türkiye Munaasabadda 101-aad ee Maalinta…

GudahaWararka
October 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023