Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh oo uu wehliyo wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mudane George Conway Ku xigeenka Ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya ee isku duwidda arrimaha biniโaadantinimada.
Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa;ย Arrimaha Baniiโaadnimada, horumarinta Dowladaha hoose, Dhab u heshiinta, howlaha Xasillinta iyo arrimo kale.
Wasiir Xoosh oo Ergayga kaga warbixiyay dadaaladda dowladda ee Baniiโaadnimada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka goโan tahay horumarinta Dowladaha hoose, Dhab u heshiinta iyo Xasillinta deegaannada laga xorreeyay khawaarijta si looga jawaabo arrimaha u baahan gergaarka Baniiโaadnimada